Caruurta Isticmaasha Internet Ku Si Buuxda Ayaa Ay U Rumaystaan Wax Kasta Oo Ay Ka Akhriyaan

31
3695

London (Geeska)- Cilmbaadhis ay samaysay haayadda Ofcom oo ka shaqaysa arrimaha Isgaadhsiinta ee dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in carruurta ku barbaarta Internet ka isticmaalkiisu ay si sahal ah u rumaystaan wax kasta oo ay ka akhriyaan bogagga internet ka.

Haayadda Ofcom wawxa ay sheegtay in ay si xawli ah u sii laban-laabmayso tirada carruurta akhrisata waxa ku jira degelka baadhista internet ka ee Google iyo bar-kulannada bulsho ee internet ka, iyo in carruurtaasi ay si inta macquulka ah ka badan u rumaystaan uguna kalsoonaadaan waxa ay ka helaan internet ka. Baadhistan waxa ay OFCOM ku ogaatay in hadda inta la og yahay carruurta dunida ku dhaqan ee da’doodu u dhexeyso 8 illaa 15 ay internet ka ku qaataan waqti laban-laab ka badan inta ay ku qaadan jireen carruurti ida’dooda ahayd ee jirtay Toban sano ka hor.

Haayadda OFCOM waxa ay sheegtay in carruurta da’dan ah ee internet ka isticmaalayaa ay u baahan yihiin wacyigelin iyo baraarugsanaan dheeraad ah oo ay ku kala gartaan saxa iyo qaladka waxa ay ka akhriyayaan Internet ka, maadaama oo la ogaaday in tobankii carruur ahba mid ka mid ahi uu aaminsan yahay in boqolkiiba boqol uu run yahay waxa uu internet ka akhristo.

Daraasaddan uu Geeska Afrika afsoomaali u turjumay oo natiijadeeda uu faafiyey wargeyska Daily Telegraph eek a soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in ay si aad ah u sii kordhayaan carruurta dunida ee wararka xaqiiqada ah ee ay u baahdaan iyo hubsashada wax kasta oo ay maqlaan ama arkaan ka raadsanaya Internet ka oo uu ugu badan yahay degelka Fiidyowyada laga daawado ee YouTube. Tirokoob ay haayadda OFCOM samaysay ayaana muujinaya in carruurta da’doodu u dhexeyso 12 illaa 15 ay boqolkiiba 34 sidiisa u rumaystaan wax kasta oo ay internet ka arkaan halka boqolkiiba 31 ay ka shakiyaan uun, taas oo tirada carruurta aan rumaysan waxa internet ka ku jira ka dhigaysa boqolkiiba 35 keliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here