Cali Yuusuf Oo Sheegay Inay Isaga Iyo Baashe Maxamed Faarax Ka Tashanayaan Xeer-hoosaadka Cusub Ee Golahooda

0
794

caliHargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed, ayaa ku tilmaamay xeer hoosaadkii ay ansixiyeen golaha wakiiladu inuu sharci daro ahaaa,isla markaasna uu jabinaayo dastuurka dalka.

Waxa uu Cali Yuusuf sheegay inay ka fiirsanayaan talaabadii ay qaadi lahaayeen, waxaanu eedaymo u jeediyay goddoomiyaha golaha wakiilada iyo guud ahaan golaha.waxaanu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa.“23-sandood ayaynu ku soo dhaqmaynay xeerarkeena iyo dastuurkeena waynuna ku caano maalnay oo heer wanaagsan ayaynu ku gaadhnay, golaha wakiiladu intii uu jiray shir guddoon ayuu laha dastuurka ayaana tilmaamayay nasiibdaro waxa dhacday in shir gudoonkii la baabiyay oo la yidhi guddoomiye kaliyaata ayaa jira, labada ku xigeena shir gudoonka ka mid maaha, dastuurka ayaana qoraaya oo qodobka 52-aad waxa uu leeyahay golaha wakiiladu waxay yeelanaynaan xoghayn u madaxbanaan oo aan ka tirsanayan golaha wakiiladda, kana kaalmeeya shir gudoonka golaha hawlaha xafiiska,maamulka iyo lacagta, waxaanu yeelanayaa ku xigeenka. Waxa halkaas ka muuqata inuu shirgudoon jiro oo aynu ku caano maalnay talo wadaag. “

Guddoomiye ku xigeenka labaad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Xeerkan la sameeyay markii  kii hore la baabiyay waxa la yidhi guddoomiye ayuunbaa jira iyo xoghaye guud, kolkaas waxay u ee kaatay sidii maamulkii wasaaradaha oo kale ee wasiir iyo agaasime guud uun ay xukumayeen, oo shir guddoonkii ayaa la baabiyay,taasina waa nasiib darto ka hor imanaysa dastuurka. Qaladka kale ee dhacay waxa weeyaan xeerkii la soo bandhigay oo ilaa 70 bog ka kooban ayaa la keenay oo waxa uu sharcigu ahaa in golahu ugu yaraan 24 saacadood uu soo akhristo, kan oo kale ka badan ayuu yeelanayaa,xeerkii hore ee jiray qodab qodab ayaa loo ansixiyay oo xildhibaanaduna waa ay ka doodeen, halkan doodi may dhicin ee inyar oo isa soo qanjiidhsatay ayaa meesha isugu timi guddoomiyahuna waa uu la ogaa, iyada oo aan lagaba fiirsan oo aan la odhan ma waafaqsan yahay sharciga iyo dastuurka ayaa la ansaxiyay.guddoomiyaha laftigiisu inuu soo akhriyo ayay ahayd oo aanu dabayshaas socota iska raacin. Anaga  guddoomiyahu waxa uu nagu yidhi dib ayayna u dhigaynaa oo waynu ka fiirsanaynaa hadana meeshii waa la soo dhigay,aniga iyo gudddomiye ku xigeenka koowaadan waanu ka baxnay markaanu aragnay sida ay u socoto, guddoomiyuuna inuu qabto ayay ahayd  haddii uu dastuurka jabinaayo,golaha in ay arintaasi ka dhacdo waanu ka xunahay.”

Cali Yuusuf oo la waydiiyay talaabada hada ay qaadayaan iyo halka ay ku danbaysay dacwadii hore ay uga gudbiyeen guddoomiye Ciro waxa uu yidhi“Waxii aanu ka yeeli lahayna waanu ka fikiraynaa,dacwadii horana wali waa la sugayaa oo way laalantahay,laakiin tii hore xeer hoosaad ayay ahayd in la jabiyay,laakiin imika dastuurka ayaa la jabiyay.”