Cali-Sanyare Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

4
545

Picture3Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cali Ibrahim Maxamed (Cali-Sanyare), ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu muddo ugu maqnaa dalka dibadiisa.

 

Md. Cali, oo ahaa wasiirkii qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha ee xukumadii Daahir Rayaale Kaahin, waxa khamiistii madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay dad tiro badan oo reer Hargeysa ah, guddiga Beesha Ciidagale iyo dhallinyaro kale oo aqoonyahan ah.

Md. Cali Ibrahim Maxamed, wuxuu u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, isagoo mid mid u salaamay dadka soo dhawayntiisa ka qayb qaatay. Waa markii labaad ee si diiran loogu soo dhaweeyo Cali-Sanyre oo Hargeysa ku soo laabtay tan iyo intii ay xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin xilka wareejisay saddex sannadood ka hor. Dhawaan, isagoo jooga dalka Switzerland, waraysi uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu si ba’an ugu dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo soo bandhigay ceebo isugu jira musuq iyo  maamul xumo hadhaysay xukuumadiisa, waxaanu taageero u muujiyay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka.

Cali-Sanyare, ayaa la filayaa inuu dhawaan saxaafadda la hadlo, isagoo ka hadli doona aragtidiisa xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo.

Comments are closed.