Askar Kenyan Ah Oo Lagu Maxkamadaynayo Bililiqo Ay Ka Gaysteen Suuqii Westgate

8
526

Nayrobi(Geeska)-Askar ka kala tirsan ciidamada Booliska iyo Milatariga Kenya, ayaa la filayaa inay xabsi ku mutaysan doonaan bililiqo ay ka gaysteen suuqa westgate oo halkii ay dadka ka badbaadin lahaayeen ay boobeen.

Guddi ay dawladda Kenya u saartay inay soo baadho bililiqada ciidamada lagu eedeeyay iyo weliba khaladaad kale oo dhacay intii lagu gudo jiray badbaadinta dadkii lagu haystay suuqii westgate, ayaa waxay daraasad ku samaynayaan askar iyo saraakiil muuqooda laga arkay kamaradaha suuqaas ku yaalay, kuwaas oo la arkayo iyagoo kuyuu ugu jira mid ka mid ah baanankii suuqaas, taas oo muujinaysa inay lacago guranayaan.

Qaar ka mid ah dadkii lahaa meheradaha ku yaalay suuqaas, ayaa ciidamada ku eedeeyay inay xadeen hanti badan islamarkaana ay si qarsoodi ah suuqaas ugala baxeen.

Guddigan ay dawladu xil saartay baadhista fadeexadahan ayaa iyaguna soo jeedinaya in la ciqaabo askartaas oo uu mid ka mid ahi qirtay inuu sameeyay bililiqo.

Si kastaba ha ahaate, qorshe xumada ay Kenya kala kulantay weerarkii Westgate, ayaa sidoo kale waxa ciidamadeeda soo waajahaya fadeexad.

 

Comments are closed.