Cali Samatar Oo Xasuuqii Qirtay + Sawirada Laga Soo Qaaday

3
721

]Mar Uun Buu Iman Xaqii Diinku Soo Sidaye, Abwaan Qaasim[Mar Uun Buu Iman Xaqii Diinku Soo Sidaye, Abwaan Qaasim]

Alexandria, (Geeska/AP)-Dacwadii ku socotay Maxamed Cali Samatar oo loo haysto xasuuqa kumanaan kun qof oo reer Somaliland oo aan waxba galabsan oo haybtooda lagu laayay xilligii uu ahaa Madaxweyne xigeenka iyo wasiirka gaashaandhiga ayaa  u muuqata mid guul laga gaadhay.

Cali Samar Oo Geedka Uu Cuskadaaba U Go'ayo, waxa qaadaya ciidamada ammaanka[Cali Samatar Oo Ay Ciidamada Ammaanku Sii qaadayaa]

Maxamed Cali Samatar ayaa khamiistii aqbalay inuu madaxa saarto waxii ciqaab ay keento denbiyada xasuuqii rajiimkii Siyaad barre, laakiin dafiray inuu wax khalad ah sameeyey isla markaana aanu ogolaan in dad la dilo.

 

Cali samatar oo xilligan 76 jir ah ayaa sannadkii 2004 maxkamad ku taal magaaladan dacwad kaga soo oogeen xubno dadkoodii lagu xasuuqay muddadii xukuumadii Siyaad barre, laakiin Samatar ayaa muddo afar sannadood ah u dagaalamayey inaan kiiskan lagu soo oogin, balse sannadkii 2007, ayey maxkamada sare ee Maraykanku ogolaatay in kiiska lagu oogi karo.

Guul iyo Gobanimo[Guul iyo Gobanimo]

Waxuu isku deyey si uu dhegeysiga uga badbaado waxaanu sheegay inaanu haysan dhaqaale uu garyaqaanadiisa siiyo, markaa dib loogu dhigo dhegeysiga, laakiin, garyaqaankii ayaa u cadeeyey in dhegeysigu socon doono, isla markaana ka ogolaaday codsigisa dhaqaale la’aanta.Cali Samar oo ay Boolisku sii wadaan iyo gabadh uu dhalay oo naxsan[Cali Samar oo ay Boolisku sii wadaan iyo gabadh uu dhalay oo naxsan]

Maalintii khamiista oo la filayey in la xulo dadkii dacwadiisa ka garnaqi lahaa ayuu Cali samatar aqbalay kiiska loo haysto, isla markaana sheegay inaanu iska difaaci doonin eedahaa. “waxaan codsanayaa inaan aqbalay eedaha, laakiin, taasi macnaheedu maaha inaan denbi geystay,” ayuu u sheegay garyaqaankii.

Samantar ayaa sheegay inaanu haysan dhaqaale uu garyaqaano difaaca ku qabsado, xaaladiisa caafimaadna hagaasanayn, laakiin kiiskiisa la siyaasadeeyey. “Taariikh ayaan ku leeyahay dalkaygii,” ayuu ku sheegay wareysi uu af soomali ku hadlayey oo ay qoyskiisu uga turjumeen wakaaladda AP. “Waxaan fursad siinayaa wadahadalka heshiis inuu socdo.”  Ayuu raaciyay.

IMG_0691

Garyaqaaninta Cali samatar u doodayey ayaa sidoo kale codsigaa jediyey, balse garyaqaanadii ayaa u sheegtay inay kiiska joojin lahayd haddii wasaarada Arrimaha dibedda Ingiriisku go’aamiso inay xidhiidhka caalamka waxyeelayso, laakiin maamulka Obama ayaa sheegay in kiisku socdo.

Samantar ayaa u sheegay wareysigii AP, inuu gebi ahaanba la yaaban yahay sababta maxkamadaha Maraykanku go’aamo uga gaadhayaan khilaafyada Soomaalida. “Afartan sannadood ayaan u shaqeynayey dalkayga,” ayuu yidhi. “Sharciga waan ilaalin jiray, daacadna waan u ahaa dalkayga,”

Garyaqaandii ayaa bilowday inay dhegeysato cadeymaha dhibanayaasha si ay go’aan uga gaadho dacwada,  inkastoo Cali samatar diiday dhegeysiga cadaymahaa.

Markuu cadeymahiisi sheegay ayuu Yuusuf oo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee dacwada ku oogay, ayaa sheegay inay wacnayd Cali samatar oo dhegeysta, laakiin, uu rajeynayo in la yidhaahdo is difaac. “Waxaan jeclaan lahaa inuu is-difaaco, sababtoo ah, ma arko si uu isku difaaci karo,” ayuu yuusuf sheegay.

Si kastaba ahaate dacwada Cali Samatar ayaa u muuqata in guul laga gaadhay.

Comments are closed.