Magacyada Markhaatiyayaasha Uu Cali Samatar Soo Diyaarsaday iyo Haybtooda

0
1257

Jen_SamantarWashington(Geesa)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay magacyada kooxo isugu jira rag iyo dumar oo uu soo diyaarsaday inay difaacaan Maxamed Cali Samatar, oo hadda la sugayo go’aanka maxkamadda ee xukunkiisa, maadaama oo uu sheegay inaanu iska difaaci Karin eedaha loo haysto.

Magacyadan oo isugu jira siyaasiyiin caana iyo dhawr haween ah, ayaa inkastoo aanay qaar ka mid ahi iman goobtii maxkamadda, haddana markhaatinimadooda waxa laga akhrisan karaa inay qaddiyadan u dhex galeen cadaawad ay u qabaan umadda reer Somaliland ee ay dawladii Maxamed Siyaad Barre xasuuqa foosha xun u gaysatay. Magacyada shakhsiyaadkan iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan waa kuwan:

1.                   Safiir hore Maxamuud Xaaji Nuur (Dhulbahanate, degen USA)

2.                   Sareeye Guuto Maxamed Cali Abokor (Dhulbahanate, degen USA)

3.                   Sareeye Guuto Maxamed Shermaan (Carab, Degen Masar)

4.                   General Maxamed (Carab, degen USA)

5.                   Sareeye Guuto Axmed Saleban Dafle (Dhulbahanate, degen Beljam)

6.                   Safiir hore Cali Xaaji Xaashi (Marexan, Degen USA)

7.                   Faadumo Isaaq Biixi (Marexan, degen USA)

8.                   Prof. Caasha Samad-matias (degen USA)

9.                   Rashiid Faaax (Gaboye, Degen USA)

10.                Cabdicasiis Xildhibaan (Marexan degen UK)

11.                Maxamed Geele Yuusuf (Majeerten, degen Switzerland)

12.                General Maxamed Cismaan Nuur Qaadi (Ogaden, degen USA)

13.                Faadumo Cumar Xaashi Sterling (Marexan, degan USA)

14.                Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed (Majerten, degen Yemen)

15.                Dr. Cali Khalid Galaydh, (Dhulbahanate, degen USA)

Dacwada Cali Samatar, oo ka socotay maxkamadda sare ee magaalada Alexandria ee gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, ayaa waxa soo oogay laba dhibane oo reer Somaliland ah oo la kala yidhaahdo Baashe Yuusuf Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Diiriye, oo haysta dhalasho Maraykan ah muddo dheerna daba socday inay dacwadani tisqaado.

Markhaatiyayaasha Jimcihii doraad la dhagaystay waxa ka mid ahayd gabadh weriye ah oo u dhalatay dalka Gaana ee galbeedka Afrika lana yidhaahdo Mrs. Ohene oo ahayd saxafiyadii waraysiga ka qaatay 1988 Cali Samatar, markaas oo ay ka tirsanayd idaacadda BBC, qaybteeda Afrika ee Ingiriisida, waxaanay sheegtay inuu ahaa ninkii ugu sareeyay maamulkii Siyaad Barre ee bixiyay amarka lagu burburinayay magaalooyinka Somaliland, laguna xasuuqay 50,000 oo ruux.

Waxa kale oo ay maxkamadu dhagaysatay wada hadal dabayaaqadii Bishii May ee 1988 Cali Samatar iyo Maxamed Siyaad Barre ku dhex maray khadka Fooniyaha oo uu Siyaad Barre farayay inuu hubka culus ka ilaaliyo dadka maatada ah, taas oo uu Cali Samatar ku gacan saydhay isagoo sheegay inuu isticmaalayo waxa kasta oo ay awoodu u saamaxdo.

Ugu dambayn garsoorihii dacwada qaadaysay ayaa sheegtay inay saddex toddobaad ku soo saari doonto saddex toddobaad gudahood.