Xoggo Sheegaya In Madaxweyne Siilaanyo Qorsheeyay Inuu Ku Dhawaaqao Inaanu Murashax Ahayn Doorashada Dambe Ee Madaxtooyada

0
577

Picture6Hargeysa(Geeska)-Inkastoo uu Madaxweyne Siilaanyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ee 2014 si rasmi ah saxaafadda ugu sheegay inuu yahay murashax madaxweyne doorashada madaxtooyada ee soo socota, haddana warar soo baxay dhawrkii toddobaad ee u dambeeyay ayaa sheegay inaanu Madaxweynuhu mursahax ahayn.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in bishii Ramadaan uu Madaxweyne Siilaanyo go’aansaday inuu cadeeyo in aanu murashax ahayn. Madaxweyne Siilaanyo oo ahayd inuu soo guto waajibaadka Cimrada ee sannadkan, ayaa warku wuxuu sheegay inuu go’aanka ku dhawaaqi lahaa marka uu ka soo noqdo cimrada, laakiin sababo farsamo darteed Cimradii ayuu ka baaqday.

Warku wuxuu intaas ku darayaa, inkastoo wakhtigaas uu Madaxweynuhu go’aansaday aanay suurtogelin, haddana la filayo waqti aan fogeyn uu ku dhawaaqi doono inaanu murashax ahayn doorashada madaxtooyada ee soo socota.

Waxaanay dadka siyaasadda lafo-guraa tilmaamayaan in Madaxweyne Silaanyo go’aankiisa la sugayo xal u helista khilaafka ka dhashay muddo kordhintii golaha guurtida oo ah caqabada hortaagan heshiiskii ay wada saxeexdeen xisbiyada iyo xukuumadu ee dhigayey inay doorashooyinku qabsoomaan bisha December ee sannadka 2016. Madaxweyne Siilaanyo oo ay dhammaatay shantii sanandood ee la doortay, ayaa waxa ay golaha guurtidu u kordhiyeen muddo xileed sannad iyo toban bilood ah ah taas oo ay xisbiyada mucaaradku ganafka ku dhufteen.  Marka uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtiga ay doonto ha noqotee si rasmi ah ugu dhawaaqo inaanu ahayn murashax, waxa xisbiga KULMYE ee uu odayga u yahay ka dhex bilaabmi doona loolan murashaxnimo oo toddobyadii u dambeeyay si weyn looga dareemayay magaalada Hargeysa kaas oo salka ku haya masuulka xisbiga murashax madaxweyne u noqon doona doorashada madaxtooyada ee soo socota. Mar kasta oo ay muddada ku dhawaaqista madaxweynuhu dib u sii dhacdana waxaa sii kordhaya warwarka dad badani ka qabaan in loollanka adag ee xisbigiisa dhexdiisa ka socdaa uu sii kululaan doono taasina ay mararka qaarkood khatar ku tahay dhismaha xisbiga, siyaasadda guud ee dalkana saamaynteeda ku yeelanayso, maadaama oo uu weli xisbigu taladii dalka hayo.