30 Maalmood Oo Maanta Maxkamad La’aan Ugu Buuxsamay Masuuliyiinta Xidhan

4
534

1-23Hargeysa(Geeska)-Soddon maalmood ayaa maanta u buuxsamay masuuliyiintii ka tirsanaa xukuumadda ee xabsiga ku jira.

Masuuliyiintan oo kala ah badhasaabkii Hargeysa, agaasimihii guud ee wasaaradda dib u dejinta iyo la taliyihii madaxweyne xigeenka, waxa 10-kii bishii March loo xidhay eeddo musuqmaasuq oo ay xukuumadda Somaliland ugu jeedisay lunsi raashin mucaawino ah. Laakiin masuuliyiintan marka laga rabo maalintii rumaanka loo diray, ma jirto wax maxkamad ah oo la horkeenay, waxaanu guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa Md. Cabdirashiid Duraan, ka dalbaday hay’adaha baadhista iyo xeer ilaalinta inay soo dhammaystiraan dacwadaha masuuliyiintan loo haysto si loo dhagaysto oo cadaaladda loo gaadho, waxaanay dhagaysiga dacwadaasi weli u xayirantahay kiiska oo aan weli ka soo dhammaan xukuumadda.

Dhagaysiga dacwadan oo ah mid xaasaasi ah iyo waxa u dheg taagaya rayul caamka, waxase ay dad badani walaac ka muujiyeen dib u dhaca ku yimid xukuumadii eedaymaha musuqmaasuq ku oogtay.

Comments are closed.