Shirkii Muqdisho Oo Baaqday, Madaafiic Lagu Garaacay Iyo Qarax Shalay Duleedkiisa Ka Dhacay

0
604

 

kaneeMuqdisho(Geeska)-Waxa shalay baaqday shirkii ay odayaasha dhaqanka Somaliya ku ansixinayeen distoorka Somaliya, kaas oo ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkaas.

 

Shirkan oo ahayd inuu shalay galo maalintiisii saddexaad, ayaa si kedis ah u baaqday, waxaanay dawladda Somaliya ku sababaysay dib u dhacaas cilad farsamo.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jarbiil oo ka hadlay sababaha uu shirku u baaqaday ayaa sheegay inay tahay cilad farsamo oo ku timid kambiyuutarradii laga xaadirin lahaa ergada. "Cillado farsamo ayuu shirku u hakaday, waxaana cillado ay ku yimaadeen kombiyuutarradii lagu baadhi lahaa ergada, waana la hagaajiyay saakana si caadi ah ayuu ku billlaabanayaa," ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku, wuxuu sheegay in weeraro madaafic ah habeen hore lagu weeraray goobta uu shirku ka socdo, waxase uu sheegay inaanay wax khasaare ah gaysan oo ay ku dhaceen duleedka madasha, waxaanu intaas raaciyay in weerar kasta oo lagu soo qaado aanu shirku joogsan doonin.

Dhanka kale, qarax miino oo geystay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dhowr qof oo kale ayaa barqadii shalay ka dhacay bar koontarool oo ay ku suganayeen ciidamada DKMG ah, halkaas oo ah mid ka mid ah kadinada laga galo shirka. Booliska ayaa waxay sheegeen inuu qaraxu ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qaar ka mid ah askartii ilaalada ahayd. Qaraxani wuxuu cabsi ku abuuray ergada shirka oo ay muddooyinkan u dambeeyay Al-Shabaab u hanjabaysay, waxaanu qaraxni muujiyay sida aanay ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM weli gacanta ugu dhigin amniga Muqdisho.