Murankii U Dhexeeyey Madaxda Sare Ee W. Waxbarashada Oo Sii Ballaadhay Iyo Madaxtooyada Oo Aan Weli Xal Keenin

0
709

Hargeysa (Geeska)- Waxaa muddooyinkii dambeeyey sii xoogaysanayey khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland. Khilaafkan oo ugu horreyn u dhexeeya wasiirka Mudane Cabdillahi Ibraahin Habane (C/laahi Dheere) iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Mudane Abiib Axmed Cali, ayaa hadda u muuqda in uu sidoo kale soo galay wasiiru-dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare mudane. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

1

Warqad aad u dheer oo uu wasiir Cabdillaahi Dheere shaqada kaga joojiyey agaasimaha guud ayaa uu ku sheegay in wada-shaqayn aanu ka helin tan iyo muddadii xilka wasaaradda loo soo magacaabay, waxa aanu ku eedeeyey in uu gabay waajibaadkiis, oo ay ka mid tahay in uu amar diiddo sameeyey, in uu muran geliyey bixinta kharash wasaaradda lagu leeyahay oo uu saxeexi waayey, in uu qas geliyey imtixaanaadkii shahaadiga ahaa oo arday aan xaq u lahayn uu doonayey in uu geliyo, in uu hor istaagay barnaamij lagu horumarinayey manaahijta ardaydana buugaag jaban loogu raadinayey, in uu haayado ajaanib ah u diray farriimo (E-mail) oo uu ku sheegayo khilaaf wasaaradda ka dhex jira iyo in ay wasaaraddu waddo falal argagaxiso, iyo eedo kale oo aad u culus. Wasiirku isaga oo eedahaas ka duulaya ayaa uu sheegay in uu go’aansaday in uu shaqadii ka joojiyey, masuul si-ku-meel gaadh ah hawsha u sii wadana magacaabi doono inta xal kama damays ah laga gaadhayo. Waxa aanu ka mamnuucay in uu wasaaradda soo galo.

Haddaba shaqo ka joojintaas kadib oo xalka kama dambaysta ah laga sugayey madaxtooyada ayaa waxaa ka soo horumaray warqad uu wasiiru-dawlaha waxbarashadu qoray oo uu agaasimaha guud ugu fasaxayo in uu wasaaradda soo geli karo.

Arrintan ayaa sii ballaadhisay muranka u dhexeeyey labada masuul oo markan ku baahay saddex ka mid ah afarta masuul ee ugu sarreeya wasaaradda waxbarashada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliiinta sare mudane Yuusuf Cismaan Garas oo warbaahinta arrintan kala hadlay dorraad ayaa isna sheegay in wasiiru-dawlaha waxbarashadu aanu xaq u lahayn in uu jebiyo warqadda uu wasiirku shaqada kaga joojiyey agaasimaha guud “Wasiirku wuu qoray warqadda shaqo ka joojinta agaasimaha guud, inkasta oo madaxweynuhu leeyahay xil ka qaadista agaasimayaasha guud iyo wixii ka sareeya, hadana wasiirku awood ayuu u leeyahay inuu shaqo ka joojin sameeyo, warqadduna waxay soo baxday Sabtidii, arintaasina waa mid sideedii u shaqaysa”Ayuu yidhi wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa  sheegay in khilaafku xafiisyada oo dhan ka dhex dhalan karo, kuna qurux badan yahay in uu halkiisa ku dhammaado,  waxaanu tilmaamay in warqadda wasiiru-dawluhu qoray ay ahayd mid uu ku fasaxayo in agaasimuhu dhismaha soo galo, balse aanay ahayn shaqo ku celin, waxa se’ ee uu sheegay in aanu wasiiru-dawluhu awood u lahayn in uu buriyo warqadda shaqo joojinta, isaga oo hoosta ka xariiqay in aanay soconayn taasi, “Wasiirka iyo wasiirul dawlaha marka la eego  awooda waxa iska leh wasiirka, sabab uu wasiirul dawle u jabin karo awooda wasiirkuna ma jirto, inta ogaalkay ahna kolay warqada uu soo qoray wasiirul dawluhu ogolaanshiyo uu dhismaha wasaarada soo galo agaasimaha guud mooyaane kuma jirto shaqadii ha bilaabo. Mana soconayso ilaa madaxweynuhu soo amro mooyaane”

Agaasimaha guud ee shaqada laga joojiyey oo uu isagana Geeska Afrika arrintan wax ka weydiiyey ayaa sharci darro ku tilmaamay shaqo ka joojinta wasiirku ku sameeyey, “Agaasimayaasha, Wasiiradda, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiirul Dawlayaasha waxa magacaaba Madaxweynaha, waxaana lagu magacaaba Digreeto Madaxweyne, markaas masuul ku magacaaban Digreeto Madaxweyne  waxa xilka ka qaadi kara oo qudha Madaxweynaha, waa sharci daro in aan anigu idhaahdo Wasiirka ayaan shaqadii  ka joojiyey,  Dastuurka meelna kagama taalo in wasiirku igu yidhaahdo shaqadii iyo waajibaadkii qaran ee laguu igmaday ayaan kaa joojiyey”

Dhinaca kale Agaasime guud Abiib Axmed Cali waxa uu sheegay in eedaha uu wasiirku u soo jeediyey uu iska difaaci doono, dhawaana uu ka hadli doono.

Haddaba muranka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo ka mid ah haayadaha halbawlaha u ah qaranka, kuna jirta xilli ay ardayda dalku bilaabeen sannad dugsiyeed cusub oo muddadii uu khilaafku  dibadda uga soo baxay wasaaraddana tirsanaya toddobaad, ayaa aanay illaa hadda madaxtooyada oo iyada xalka kama damaysta ahi gacanteeda ku jiraa ka hadlin, una muuqata in aanay weli gudo gelin xal u raadinteeda, in kasta oo uu wasiirka waxbarashadu maalmihii u dambeeyey safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, shalayna dalka dib ugu soo laabtay.

Muddaddii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xilka haysay ayaa waxaa marar badan soo noqnoqday khilaafyo bannaanka u soo baxay oo u dhexeeya madaxda ugu sarraysa haayadaha uu madaxweynuhu magacaabo, arrintaas oo in badan hore loogu dhaliilay xukuumadda ayaa ay tani dib u soo cusboonaysiinaysaa su’aasha ka taagan qorshaha ay xukuumaddu ugu talogashay wada-shaqaynta masuuliyiinta haayadaha xukuumadda. Murankan  oo sii jiitamaana waxa uu khatar ku yahay habsami u socoshada waxbarashada dalka iyo horumaritna laga filayo xukuumadda.