“Calankeena Astaantiisu Waa Tawxiidka,Lagama Yaabo Inuu Dhaco ,Ee Qaranimadeena Aynu Ilaashano”Axmed Cabdi-dheere

0
637

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, ayaa ka hadlay qiimaha ay qaranimadu leedahay, waxaanu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ku gubaabiyey inay mar walba maankooda ku hayaan inay yihiin dal iyo dad jira, oo isku tashay, wax badana qabsaday, waxaanu xusay in Calanka Somaliland uu yahay Calan aan waligii dhacay, oo tawxiidka ALLENA ku qoran yahay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Waxa iskugu keen beegmay laba munaasibadood, oo kala ah Munaasibada Ciida iyo munaasibada 26 june, marka hore ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu inaga aqbalo camalkii iyo soonkii aynu soo soonay bishii barakada badnayd ee Ramadaan, ta labaad aynu halkaas ka sii wadno khayrkii aynu wadnay, oo yeynaan joogin, ta kale 26/6/1960, waa maalintii aynu xoriyada helnay, kana helnay maxmiyadii Ingiriiska, inagoo maalmo haysana ayeynu Somaliya isku darsanay, balse markii aynu la midoownay waxaynu markiiba aragnay cadaadis iyo dhib aad u badan  oo la inagu hayo, halgan dheer oo dhiig ku daatay kadib ayeynu dib ula soo noqonay xoriyadeenii, dad badan baa halgankaas inagaga leeday, markaas maanta waxaynu nahay dalka, horena dal ayeynu u ahayn, astaan baynu leenahay, dawlad baynu nahay, lacag inoo gaar ah ayeynu leenahay, calan inoo gaar ah ayeynu leenahay, nidaamkii dawladnimo uu inoo dhisan yahay, Golayaal baynu leenahay, Xisbiyo ayeynu leehay, dalkeena Doorashooyin baa ka hirgalay, Calankeena astaantiisu waa Tawxiidka,lagama yaabo inuu dhaco, ee qaranimadeena aynu wada ilaashano”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye mar uu ka hadlaayey kaadh qaadashada ayaa yidhi “Laba Gobol ayey kaadh qaadashadii ka dhammaaday,ee waxaan guud ahaan dadka kula talinayaa, gaar ahaan dadka iyagu kaadhka cod bixinta isku diiwaangeliyey, in hadaba Gobolada laga bilaabayo inay dadkiisu qaatan kaadhka cod bixinta, si ay hadhaw u helaan xaqooda iyo xuquuqdooda cod bixineed ee Doorashada, oo aanay dayicin, markaas in intaan la gaadhin Doorashada in qof walba kaadhkiisa codeynta uu sii qaato ayaa muhiimadu tahay”.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye wuxuu guud ahaan Dhalinyarada Somaliland ugu baaqay inay dalkooda ku ilaashadan, oo ay ka feejignaadaan tahriibka, balwadaha iyo dhibaatooyinka kale.