Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Ujeedada Xuskii 26 June Ee Muqdisho Lagu Qabtay

0
663

Boorama(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay suurtogal ahayn in dadka reer Somaliland mar kale lagu sasabto xuska munaasibadda 26 June oo habeen hore looga dabaal-degay magaalada Muqdisho.

Enf. Faysal oo hadal ka jeediyay munaasibad uu xisbiga UCID u qabtay taageerayaal reer Borama ah oo ku biiray, wuxuu sheegay inuu wax badan dalka ka bedeli doono haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee sannadkan qabsoomaysa.

Faysal isagoo ka hadlaya xuskii habeen hore Muqdisho loogu qabtay 26 June wuxuu yidhi "Waxa layga tusaayay Facebooga Xamar oo u dabaal-dagaysa 26-jun oo maxaa ka galay, caqligooda waxa ay is leeyihiin reer Somaliland ku sasabta 26-ka Jun, mar ayaad na sasabateen oo Soomaalinimo na qaaday waxii naga raacayna waanu ognahay, godkaas ku noqon mayno, Allena naguma celiyo, taladeena inaga ayaa gacanta ku haysanayna, waataas Jabuuti oo waynagaa baasaboorka baryayna ee ay mucaawinada ina siinayso, waadiga arkaaya siday u horumartay iyo dekedaha ay samaysatay idinka ayaanu idinku daynee qabriga ku jira"

Musharax Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Miyay  ina qabtaa inaan maanta Soomaali u liidano oo Kililka  shanaad ee aynu shalay u dagaalamaynay ee 1977 iyo 1964-tiiba dagaalka aynu galnay  in maanta dadkeena baxaaya ee tagaaya Addis Ababa in baasaboorada laga jeex jeexo oo dharkooda iyo odayaashooda anbalaasku wado la yidhaahdo kac waad kici kartaaye miyay ina qabataa? mayee inama qabto. maxay inoogu dhacaysaa ? waa dawlad jilicsan weeye, dawladu waa inay dadkeeda ilaalisaa oo ay ogaataa waxa uu ku nool yahay  oo ay ogaataa sida loola macaamilaayo, anagu jaararka waanu jecelnahay Itoobiyana waxaanu leenahay ganacsigeenu haysku dheeli tirnaado yaanu noqon hal wado oo kaliyaata ee waa inuu noqdaa laba wado, hadaanu nimaadno waanu la xisaabtamaynaa, kililka  shanaadna Soomaali oo dhan ayuu ka dhexeeyaa."