Calaamado Ku Tusaya In Jidka Aad Noloshaada U Maraysaa Uu Yahay Kii Guusha Ku Gaadhsiin Lahaa (Q.3)

0
652

1111111111111Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxa ay taabanaysaa arrimo qofka lagu arko loo malayn karo in uu jidkii guusha hayo, arrimahan oo ay xeeldheerayaal muddo baadhis iyo sahamin waday ka soo dheegteen dabeecadaha iyo hab-dhaqannada dadka dunida ee lagu majeerto guusha iyo horumar ay naftooda gaadhsiiyeen:

8. Waqtigaaga waa aad xakamayn kartaa:

Is weydii inta saacadood ee aad ku qaadato baadhista iyo ku sheekaynta barkulannada bulsho ee internet ka, inta jeer ee aad asxaabtaada iskala xidhiidho adiga oo aan ujeeddo sugan lahayn?

Haddii aad aragto qof aanay u xisaabsanayn saacadaha maalin kasta ka lumo isaga oo aan wax faa’ido leh qabsan, waxa aad garataa in uu hayo jidka kuwa guul darraysta. Dadka ujeedadoodu tahay in ay xaqiijiyaan riyadooda, inta badanna guul ka gaadha noloshu waa kuwa awooda in ay xisaabiyaan oo xakameeyaan waqtigooda.

9. Dakhliga ku soo gala oo aad badh kaydsato:

Dakhliga ku soo galaa xaddi kasta oo uu yahay, awood ma’ u leedahay in aad wax uun ka kaydsato, haba yaraado ee. In qofku dakhligiisa wax ka dhigtaa waa xirfad karti iyo go’aan adayg u baahan, oo aanay sahal ahayn in qof kastaa sameeyo.

In qofku awood u leeyahay in uu maamulo dakhliga soo gelaya, oo uu badh ka dhigto haba yaraato ee waa calaamad si cad inoo muujinaysa in uu yahay ruux leh hal-adayg iyo xisaabtan, waana calaamad lagu garto dadka jidka guusha haya.

10. Maxaa kugu qasbaya shaqada aad hayso ama hawsha aad hadda hayso?

Weli naftaada ma weydiisay, waxa kugu qasbaya in inta aad subaxda kacdo aad qabato hawsha ama shaqada aad hayso? Maxaa aad u shaqaysaa? Ma is tidhi, adiga oo naftaada waraysanaya. Haddii su’aashaa aanad jawaab cad u haynin. Ama aad ku jawaabtay uun in ujeedada aad u shaqaysaa ay tahay in aad lacag hesho ama mushaharku uu yahay sababta aad dartii u shaqayso. Waxaa ku fiican in aad shaqada ka tagto oo aad raadiso hawl iyo shaqo kale oo aad jeceshahay qabashadeeda.

Waa run oo lacagtu nolosha waa u lama huraan, laakiin isla markaasna waxa aad u baahan tahay, in aad lacagta ka hesho shaqo aad xiise iyo jacayl u hayso, haddii kale oo aad waqtigaaga ku lumiso shaqo aanad jeclayn ee aad lacag uun ku gashay, waxa aad ogaataa in aanad guusha jidkeedii haynin oo uu kaaga dhow yahay ruuxa maal yar ka hela shaqo uu aad u jecel yahay. Dhammaad