London (Geeska)- Cudurka Kansarka ee kelyaha ku dhacaa waxa uu kaalinta 12 naad kaga jiraa cudurrada ugu faafitaanka badan dunida oo dhan, laakiin dhibaatadu waxa ay tahay in aanay dadka badankiisu macluumaad ku filan ka haysan cudurkan dilaaga ah oo ka mid ah cudurrada ay garashadoodu aad u adagtahay bilowga hore. Qormadan uu Geeska Afrika turjumay ayaa shabakadda Alcarabiya ay ku eegaysaa qaar ka mid ah calaamado qofka lagu arko ay dhakhaatiirtu kula talinayaan in uu iska baadho kansarka kelyaha.
Waxaa xusid mudan in cudurro badani ay calaamadaha wadaagaan ama calaamadaha qaar cudurro badan lagu arko sidaa awgeed calaamadahan macnahoodu ma’ noqonayo in waxa keliya ay ina tusayaan uu kansarka kelyaha yahay, balse waa digniin ay tahay in aynu shaybaadhka u tagno si aynu u ogaanno cudurkaas.
- Kaadida oo uu dhiig soo raaco: In kaadida dhiig lagu arkaa waa calaamad muujinaysa khatar caafimaad oo qofka haysa, waxa aana suurtogal ah in ay sababtu tahay kansarka keliyaha, sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku talinaysaa in qofka toddobaad wax ka badan ay kaadidiisu dhiig lahaato loo geeyo dhakhtar.
- Dhabarka qaarkiisa hoose oo xanuunka qofka: Sideedaba dhabarka intiisa hoose oo qofka xanuuntaa waxa ay xidhiidh la’ yeelan kartaa dhibaato caafimaad oo ka jirta kelyaha oo sida la og yahay labada dhinac kaga rakiban lafdhabarta. Sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan qofka xanuunkan isku arkaa in uu dhaqso ugu tago dhakhtar takhasus ah.
- Daal: Waxaa jira sababo badan oo ay suurtogal tahay in ay daal, burbur iyo hurdo la’aan keenaan. Waxaa ka mid ah cudurka kansarka oo la ogyahay in uu sababo burbur, taagdarro badan iyo tamarta oo qofka ku yaraata. Haddii qofku isku arko xaaladdan oo xitaa marka uu nasto ama seexdo aan ka tegeyn waxaa u fiican in uu dhaqso dhakhtar ugu tago si uu isaga baadho cudurka kansarka.
- Miisaanka oo si bilaa sabab ah hoos ugu dhaca: In kasta oo dadka qaar xaaladaha nafsiga ah iyo waayuhu ay miisaanka si dhaqso ah uga ridaan, haddana waxaa jira xaqiiqo caafimaad oo sheegaysa in marka ay dhibaato caafimaad oo dhinaca keliyaha ahi jirto, ay inta badan saamayso dheefsiga cuntada ee jidhka iyo weliba awooddau u barootiinnada iyo nafaqooyinka kala duwan cuntada kaga nuugayo, taasina sababto amateedka oo luma iyo miisaanka oo si dhaqso ah hoos ugu dhaca. Waxa ay khuabrada caafimaadku ku talinayaan in qofka xaaladdan oo kale isku arkaa uu dhaqso ula xidhiidho dhakhtarka si loo hubiyo xaaladda caafimaad ee keliyihiisa.
- Kor u kaca Kalshiyaamta dhiigga: In kalshiyaamtu ay ku badato dhiiggu waxa ay ka mid tahay xaaladaha ka dhasha kansarka keliyaha, qofka lagu arko waxaa muhiim ah in la hubiyo sababta runta ah ee ku keenaysa dhibaatadan.
- Dhinaca oo barara: In buro ay ku abuuranto keliddu waxa ay keentaa muruqyada iyo nudaha oo dibadda u soo baxa, waxa aana marar badan qofka lagu arkaa in labada dhinac midkood ka weynaado dhinaca kale, gaar ahaan saableyda hoosteeda oo ah halka ku beegan dhabarka hoostiisa ama caloosha, laakiin dhinaca ah.
- Xumad joogto ah: Qasab ma’aha in xumaddu ay mar kasta muujinayso cudurka kansarka keliyaha, waayo waxaa jira xanuunno badan oo xummad keena, laakiin haddana waxa ay noqon kartaa calaamad muujinaysa kansar, gaar ahaan noocisa keliyaha ku dhaca. Marka uu qofku isku arko xummad soo noqnoqota ama aan mar keliya ka go’ayn, waxaa muhiim ah in uu dhaqso dhakhtar ula xidhiidho.
- Barar ku yimaadda waaxyaha: In cagaha iyo gacmuhu qofka bararaan waxa ay inta badan ku timaaddaa dareeraha oo ku urura nudaha jidhka, gaar ahaan kuwa lugaha iyo gacmaha, waxa aanay ka mid tahay xaaladaha ku yimaadda sababta kansarka keliyaha. Xanuunkan kansrka keliyuhu waxa uu dhaawacaa shaqooyinkii kellidu qabanaysay, waxaw aana hoos u dhacda awooddii ay kaga takhalusi kari lahayd cusbada oo ka mid ah shaqooyinka keliyaha, taas ayaa keenta in jidhku si dhammaystiran isaga soo saari kari waayo dareeraha.
- Dhiigkarka: Cilmibaadhisaha cusub ee caafimaadku waxa ay muujinayaa in uu xidhiidh ka dhexeeyo dhiigkarka iyo kansarka noociisa ku dhaca unugyada kelyaha. Cilmibaadhis sannadkii 2009 la sameeyey ayaa muujisay in boqolkiiba 79.3 dadka qaba cudurka kansarka kelyuhu ay sida oo kalana qabaan dhiigkar. Natiijadani waxa ay sababtay in cilmibaadhayaashu ay aaminaan in kansarka ku dhaca unugyada kelyuhu uu sababo dhiigkar.
Waxaa xusid mudan in uu jiro dhiigkarka oo isaguna ah xanuun iskii u madaxbannaan, sidaa awgeed macnaha qodobkani ma’aha in qof kasta oo dhiigkar qabaa uu Kansarka kelyahana qabo, balse qof kasta oo kansarka kelyaha qaba waxaa laga filayaa dhiigkarna in uu yeesho.
- Dhiig la’aan: Maadaama oo ay kelyuhu kaalin muhiim ah ka qaataan hawsha soo saarista unugyada dhiigga cas, waxaa muhiim ah in qofka dhiig yaraan joogto ah lagu arko dhaqso looga baadho in uu qabo kansarka kelyaha ku dhaca oo ay calaamadihiisa ka mid tahay dhiigyaraantu. Sida oo kale xaaladaha caafimaad darro ee kelyaha ee aan kansarka ahayn ayaa keeni kara dhiig la’aan.