Dhakhtar Uu U Tegey Si Looga Daweeyo Dhaawac Gacanta Ka Soo Gaadhay Laakiin Mar Dambe Ayaa Uu Ogaaday In Kelli Lagala Baxay

1
1248

Baqdaad (Geeska)- Nin askari ah oo u dhashay dalka Ciraaq ayaa cisbitaal dalkaas ku yaalla u tegey in laga daweeyo dhaawac gacan ka soo gaadhay, xilli uu ka qaybgalayey mid ka mid ah dagaallada dalkaas ka socda. Nasiibdarro markii la daweeyey ee ay muddo ka soo wareegtay daweyntii ayaa waxa uu ku war helay in labadiisa kelyood midkood maqan tahay.

Askarigan oo lagu magacaabo Raa’id Shakiir ayaa la sheegay in saddexdii sano ee u dambeeyey uu isku arkay daal nafsi ah iyo burbur jidhka ah, tamar darro aanu waajibaadkiisa askarinimo gudan kari, taas oo uu u fahamsanaa in sababteedu ay tahay gacanta uu dhaawacu ka naafeeyey. Laakiin muddadaas kadib waxa uu ogaaday in cisbitaalka Kaadimiya oo ku yaalla magaalada Baqdaad uu sannadkii 2014 mar kala baxay kellida bidixda.

Wasaaradda difaaca ee dalka Ciraaq ayaa magacowday guddi baadhis degdeg ah ku samaysa arrintan, wasiirka wasaarada ayaana sheegay in uu arrintan baadhisteeda isagu shakhsiyan gacanta ku qabanayo si runta loo gaadho, waxa aanu amray in Shakiir loo diro dhakhtar dibadda ah oo ay wasaaraddu kharashkiisa bixiso.

Agaasimaha cisbitaalka

Agaasimaha cisbitaalka Cabdiraxamaan Ismaaciil ayaa isaguna beeniyey sheegashada askarigan, waxa aanu ku dooday in aan askarigan marnaba la geynin qolka qalniinka ee cisbitaalka, muddada uu cisbitaalka ku jirayna ay ahayd 4 maalmood oo keliya. Waxa uu agaasimuhu sheegay in askarigan aan la suuxin markii la daweynayey dhaawac rasaas ah oo ka soo gaadhay garabka gacanta midig.

Si kastaba ha ahaato ee askariga oo u warramay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa isagu sheegay in maalmaha uu cisbitaalka ku jiray ay intaas ka badnayd, iyo in la geeyey qolka qalniinka oo weliba suuxdin dhammaystiran jidhka oo dhan lagu sameeyey, maadaama oo uu dhaawacu ahaa mid aad u weyn oo ku sigtay in ay gacantu go’do.

Askarigu waxa uu sheegay in markii uu cisbitaalka ka baxay aanu is ogeyn in kellida bidixda laga saaray. Shakiir oo ka sheekaynaya sida uu ku ogaaday in kellidu ka maqantay ayaa sheegay in gacanta dhaawacu ka soo gaadhay ay naafo noqotay, kadibna ay qasab noqotoay in uu dalbado in laga nasiyo shaqada oo lagu daro liiska ciidamada dalka u waxyeelloobay, codsigaas awgii ayaa ay wasaaradda difaacu ka codsatay in uu cisbitaalkii qalay ka soo qaato warbixin caafimaad oo xaaladdiisa oo dhan ka warramaysa. Warbixinta cisbitaalku soo dirayna waxa ay noqotay in ninkan labadiisa kelyood midi maqan tahay, isaga oo u dhigaya in aanu cisbitaalku shaqo ku lahayn kellida maqan laakiin warbixin ahaan uun u sheegayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here