Shirkadda Carbeed Ee Fly Dubai Oo Duulimaadyo Ka Bilaabaysa Madaarka Cigaal Ee Hargeysa

0
495

Picture5

Dubai(Geeska)-Shirkadda Fly Dubai ayaa dhawaan duulimaadyo cusub ka bilaabaysa caasimadda Somaliland ee Hargeysa.  Fly Dubai waxay noqonaysa diyaarada ugu horeeysa oo ka hawlgala Hargessa, Somaliland ka socota Dubai oo bixisa afar duulimaad toddobaadkiiba. Shirkadda Fly Dubai waxaa la asaasey sanadkii 2008 waxaa asaasey xukuumadda Dubai, waxa ay tagtaa in ka badan 83 garoon.

Shirkadda Fly Dubai ayaa sheegtey in ay duulimaadkeeda ballaadhisey isla markaana meelaha cusub oo lagu daray ay ka mid tahay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, Sidoo kale dalalka ay ku soo siyaadisey waxaa ka mid ah Sucuuudiga iyo Hindiya.

Warka ka soo baxay Fly Dubai ayaa lagu sheegey in afarta bilood ee u horeysa sanadka 2015 ay bilaaban doonaan duulimaadka Hargeysa, waxaana todobaadkii ay tegi doontaa afar jeer laga bilaabo 05 March  2015.

Isago ka hadlaya ogaysiiska cusub, Ghaith Al Ghaith, oo ah sarkaal ka tirsan Fly Dubai ayaa yidhi “Sannadka 2014 waa sannadka ugu mashqulsan fly Dubai. Waxaan ku dhawaaqnay 26 duulimaad cusub laga bilaabo January waxaan qaadanay siddeed diyaaradood oo cusub si loo taageero qorshahan aan caadiga ahayn. Waxaan aad ugu faraxsanahay fursadaha aan horay loga fa’iidaysanin suuqa Afrikada soo kacaya sida Hargeysa.”

Sudhir Sreedharan, Madax ku xigeenka sare Commercial (GCC, Subcontinent, Africa) ee Fly Dubai, ayaa yidhi: “Waxaan naga go’aan in aan adeegyada fly Dubai oo laysku halayn karo oo tayo sare leh in aan u keeno suuqyada aan aad logu hawlgelin sida Hargeysa iyo in aan rakaabka siino fursadaha ay UAE ku imaan lahayeen iyo wixii ka baxsan iyago loo marinayo duulimaadka Dubai. Waan hubaa in labada heer oo kala ah Economy Class iyo Business Class in ay ka sara maari doonta waxay rakaabka filanayan iyo in aan ku socono astaanta Dubai taasi oo aan ku hanwaynahay in aan magacayaga ku qaadno.”

Fly Dubai waxaay ku hawlgali doonta afar duulimaad toddobaadkiiba oo u dhexeeya Hargeysa ilaa Dubai laga bilaabo 05 March 2015.

Qiimaha tikidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class ka baxaysa Hargeysa waxaa lagu bilaabaya USD575 oo lagu ogolyahay 20 kiilo oo ah alaab la huubiyay, halka ay qiimaha tikidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Business Class lagu bilaabayo USD1,900 taas oo ku jirta dhamman cashuuraha iyo alaab 40 kiilo ah oo lagu ogoolyahay.