Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay Khilaafka KULMIYE

0
608

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Shalay dalka dib  ugu soo laabtay, kadib markii uu in muddo ah uu ku maqnaa qaar ka mid ah Wadamada dibada, waxaana Gudoomiyaha ku soo dhaweeyey  Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport, Masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Madaxda  iyo Taageerayaasha  Xisbiga Waddani. Gudoomiyaha oo Qolka nasashada ugu warramay Warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay safarkiisii uu ku soo maray  qaar ka mid ah Wadamada Yurub iyo Carabta, waxaanu sheegay in Wadamadaas uu soo maray uu kula soo kulmay Madax iyo Maalqaabeeno, isla markaana uu kala hadlay qadiyada Somaliland iyo sidii loo Ictiraafi lahaa, waxa kale oo uu xusay inuu kala hadlay sidii Somaliland loo maalgashan lahaa.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani  Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sidoo kale beeniyey in isaga iyo Guddoomiye ku xigeenkiisu wax khilaaf ahi u dhexeeyo, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye isaga oo ugu baaqay inay dhameeyaan khiaafkooda, waxa  kale oo uu ka hadlay sida uu u arko Musharaxnimada Madaxweyne ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu isagu mar walba Finalka taagan yahay, hadba Musharax u soo istaagana uu diyaar u yahay inuu la tartamo, waxaanu ugu horeyn  hadalkiisi ku bilaabay “Waxa farxad weyn ii ah in aan dalkaygii hooyo ku soo noqdo, Safar aan ugu maqnaa dibada kadib,muddadii aan maqnaa waxaan soo maray Dalal ka mid ah Qaarada Yurub iyo Dalalka Carabta, Wadamada Yurub intii aan marayey, waxaan la kulmay Baarlamaanada Dalalkaas, oo ay ka mid ahaayeen Ingiriiska, Sweden iyo Findland, waxa kale oo aan la kulmay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dalalkaas, oo uu ku jiro Raysal-wasaare ku xigeenka Dalka Ingiriiska iyo Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Finland, waxa aan la kulmay Maalqabeeno Dalalkaas ka tirsan oo xiisaynaya inay Somaliland maal-gashadaan,waxa aan la kulmay Axsaabta Siyaasada ee Dalalkaas qaar ka mid ah, oo aan dhamaantood kala hadlay arinta Somaliland, waxa kale oo aan la kulanay Aniga iyo Xildhibaanadii Safarka igula jiray, Golaha Deegaanka oo ay ka mid ahaayeen Sheffield iyo Bristol, oo aanu iyagana arimaha Somaliland kala hadlaynay”.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani isaga oo hadalkiisa  sii wata waxa uu yidhi  “Waxa kale oo aan intii Wadamada marayey la kulmay Jaaliyadaha Somaliland ee halkaas ku dhaqan iyo Madaxda Xisbiga Waddani ee Dalalka aan soo maray, intii aan Finland joogayna waxa ii suuragashay Axsaabtaas aan la kulmay inay ku qanceen inay arinta Somaliland kor u qaadan, oo ay Baarlamaanka Finland geeyaan Mooshin ku saabsan Ictiraafka Somaliland, oo aan filaayo in dhawaan haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo la keeni doono, waxaana aad u salaamaya Shacabka reer Somaliland, wixii kale ee hawla ah waxa waday Masuuliyiintii Wadanka joogay haddii ay Baarlamaan tahay iyo haddii ay Xisbiga tahayba”.

Dhinaca kale mar Warbaahintu waxa ka weydiisay inuu jiro khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo isaga iyo ku xigeenkiisa waxa uu ku jawaabay “Waxba kama jiraan in khilaaf noo dhexeeyo ku xigeenkayguna waa kan agtayda taagan”.

Su’aal laga weydiinay khilaafka ka dhex qarxay Xisbiga Kulmiye ayaa ku jawaabay “Waxa aanu jecel nahay in wixii khilaaf ah ee Asxaabta dhexdooda inay dhameeystaan, Wadanku waxa uu leeyahay Shuruuc, Asxaabtuna waxa ay leedahay Shuruuc, waxaana rajaynayaa in Xisbigaas Qaran ee aad sheegtay in Qawaaniintooda iyo Qawaaninta dalka u taala ku kala bixi doonaan”.

Mar waxa laga weydiinay sida uu u arko Musharxanimada Madaxweyne ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku jawaabay “Xisbi kastaa Musharixiintiisa  isaga ayaa xaq u leh, anagu waxa aanu sugaynaa cida Finalka isa soo taagta”. Mar waxa laga weydiiyey Guddoomiyaha Waddani sababta uu u tagi waayey Casuumadii looga fidiyey Sheffield waxa uu yidhi “Hawlo Qaran ayaan ku maqnaa markaas, Sheffield waanu tagnay Golihii Deegaanka waanu la kulanay, Ictiraafkiina anaga ayaa soo qaadnay”.