Wasiirkii Amniga Somaliya Oo Xalay Saqdii Dhexe Is Casilay

0
577

Picture5Muqdisho(Geeska)-Wasiirkii amniga Somaliya Mr. Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa xalay saqdii dhexe si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay dawladda Somaliya, ka dib weerarkii shalay ka dhacay xarunta Baarlamaanka Somaliya ee ay Al-Shabaab sheegatay. Wasiirka oo xalay cawayskii dambe shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho, wuxuu sheegay inuu xilkaas iska casilayo islamarkaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cidda loo magacaabo. “Anigoo tixgelinaya xaaladda uu dalku marayo waxaan si rasmi ah u cadaynayaa inaan iska casilay xilkii aan qaranka u hayay, anigoo rajaynaya in xilkaas culus ee aan  hayay cid alla ciddii loo magacaabo aan garab ku siin doono.” Sidaas ayuu yidhi wasiirka amniga Somaliya, waxaanu sheegay in 20 bilood oo uu xilkaas hayay uu waxyaabo badan ka qabtay amniga Somaliya. Sababta keentay is casilaadda wasiirka ayaa ah, weerarka shalay lala beegsaday xarunta Baarlamanka, iyadoo horena loo weeraray xarunta madaxtooyada Somaliya, waxaanu u muuqdaa nin qaatay inaanu waxba ka qaban karin amniga Somaliya ee uu masuulka ka yahay, waana siyaasigii u horeeyay ee Somaliya ee u badheedha inuu is casilo mar haddii aanu awood u lahayn wax ka qabashada xilka uu hayo.