Dr. Maxamed Cabdillaahi iyo Wasiir Xirsi: Difaaca Maxamed Cabdillaahi iyo Doodda Xirsi

0
491

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa beeniyay eeddo uu sheegay in wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan u jeediyay oo salka ku haya warqad Somaliland khusaysa oo ay dhawaan sir fashiliyaha wikileaks baahisay. Wasiir Xirsi ayaa isna dhinaciisa ka sheegay inaanu odhanin hadalka uu Maxamed Cabdillaahi ka jawaabayo.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ku sugan magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku yidhi “Heshiis federaal  ah iyo wax la mid ah oo intii aan wasiirka arrimaha dibada Somaliland ahaa  aan saxeexay ama dhex maray Somaliland  iyo somaliya  ma jiro.  Xirsi ha la waydiiyay halkuu ka keenay warkan. Aniga iyo madaxwayne Axmed Silanyo wixii siyaasadda arrimaha dibada  ku saabsan si wada jir ah ayaanu  uga wada tashan  jirnay, madaxwaynahaana guddoonkooda  lahaa. Heshiis Federal ah marna  muu jirin. Xirsi ayaa hadda xukuumadda u soo jiiday  eed aan jirin iyo fadeexad,  Laakiin madaxwaynaha iyo aniguba  shaqo kuma lihin  waxaa uu sheegay  Xirsi.” Geesta kale wasiirka madaxtooyada ayaa isaguna qoraal kooban oo uu geliyay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, wuxuu sheegay inaanu meelna ka odhan hadalka uu Maxamed Cabdillaahi ka jawaabayo, waxaanu Wasiir Xirsi qoraalkiisa ku yidhi sidan, “Waxaan qalinka u qaatay inaan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyey warbaahinta qaarkood kaasoo sheegaya in Mareegta caanka ku faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay kasoo jabsatay keydka siraha ee Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis sida ay ku sheegeen Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen inay dib u midoobaan!! Waxaase kasii daran in ay ku doodeen in aan Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Dr Mohamed Abdilahi Omer aan dusha u saaray!

 Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uga falcelinayaa si aan bulshada uugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam u siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aanan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya!

 Hadaba, Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal “Video” uu arintaa kaga hadlayo ama aad kasoo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi!. Waxaan kula dardaarmaya warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda “Customers” isla markaana marwalba awooda saaraan soo gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan.” Waxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta marwalba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kaliya balse aanan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila waxaan leeyahay xasuusta Xadiiskii Nebigeena Muhamed SCW ee macnahiisu ahaa: 
“Qof waxaa been uugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo”