Cabdiraxmaan Cadami Oo Si Xeel-dheer Uga Hadlay Halista Ku Duugan Saldhiga Milatari Ee UAE

0
655

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami, oo Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, haddana ah siyaasi iyo aqoonyahan falanqeeya arrimaha siyaaadda iyo dhaqaalaha Somaliland, ay si xeel dheer uga hadlay doonista Imaaraadka Carabta ee in saldhig milatari laga siiyo Berbera.

Cabdiraxmaan-Cadami-300x268

Md. Cadami, wuxuu lafo-guray halista ku duugan saldhigaas Imaaraadka Carabta iyo weliba sida haddii uu hirgalo uu u wiiqi karo xidhiidhka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya.

Cadami oo shalay uu waraysi gaar ah la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu isagoo ugu horayn ka hadlaya sababta ay wadamada dunidu u samaystaan saldhigyada milatari ee dalalkooda ka baxsan uu yidhi  “Horta sideedadaba Wadamada Saldhigyada sameystay waxay u badan yihiin quwadaha waaweyn, Saldhigyada waxay ku ilaaliyaan danahooda, waxay kaga duulan dalal kale, waxay ku ilaaliyaan dalal ay saaxib yihiin, wakhtigan maanta wadamada ku teedsan Badda Cas, Saldhigyo badan baa laga yagleelay, markii hore waxay ahayd meel Istaraatiijiya, laakiin Saldhigyadan cusub waxa soo dedajiyey dagaalka saddex geesoodka ah, saddex geesood waxaan uga jeeda Dawladda la ictiraafsan yahay ee Yamen, Xuutiyiinta iyo wixii la baha oo geesa iyo Alqaacida oo geesa, marka waa Dagaal saddex geesood a. Arrimahaas ayaa keenay oo muhiim ka dhigay inay dalal badani daneeyaan inay Saldhig ka sameeystaan Wadamada, isla marka sababta kale waxay noqon kartaa si loo ilaaliyo marinka muhiimka ah ee ganacsiga Adduunku maro ee badda cas Baabul Mandab iyo Suweys Kanaal ee la isku yidhaahdo ayaa ka dhigay muhiim meesha”.

Cabdiraxmaan Caddami mar uu ka hadlaayey sababta keentay inuu Imaraadku daneeyo inuu Berbera Saldhig ku yeesho ayaa yidhi “Haddaba waxa is weydiin leh waa maxay baahida   Imaraadku u qabaan inay Saldhig ka sameeystan Berbera. Anigu waxaan qabaa  cidina kuma qanci karto inay Dawladda Imaraadku u baahan tahay  Saldhigyo milatari oo ka baxsan dalkooda, laakiin waxa la tuhunsan yahay inay quwado kale oo Carbeed ka dambeeyaan oo ay ku soo gabanayaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya shaqsiyaad Xukuumadda Somaliland ka mid ah oo xidhiidh wanaagsan leh Dawladda Imaraadka”.

Cabdiraxmaan Caddami mar uu ka hadlaayey Saldhigan iyo waxay kala socdaan Dawladdaha waaweyni iyo shakiga Itoobiya ay ka qabto ayaa yidhi “Dawladdaha waaweyn inkasta oo ay dusha kala socdaan, ama isha ku hayaan Saldhiga Berbera ama Sheekada Saldhiga Berbera, Dawladdaha Barriga Afrika  ama Geeska Afrika,  shaki bay ka qabaan Saldhiga Berbera, gaar ahaan Dawladda Itoobiya, sababahana wey uga qabaan.”

Isagoo sababahaas tirinaya wuxuu Cadami yidhi “Inay Somaliland  ku laabatay xayndaabkii dawladdaha Carabtii iyo gacan ku haynta Siyaasada iyo  Siyaasiyiinta Somalida ee loo adeegsan jiray amni darada dawladdaha jaarka inay Somaliland dib ugu noqotay ayay arkayaan, runtii weynu ka xoroownay gacan ku hayntii iyo saameeyntii Carabta, marka inaynu dib ugu laabanay waa kow. Dekadda Berbera oo Itoobiya dananayso inay wax kala soo degto ama ka dhoofiso inay siday doonayaan aanay waxna uga   dhoofin karin waxna ugala soo degi karin,  haddii Dagaalka Biyaha ee Niilka uu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Masar, Dawladda Imaraadku Itoobiya ma u ogolaanaysa in hub kala soo degto ilayn waa dawlad carbeeda’e, waa maya.  Itoobiya waxay ku jirtaa xero ay ku hareersan yihiin Saldhigyo Milatari oo  Carbeed, Eretariya Saldhig carbeed baa ah, oo Jabuutina mid baa ah,Somaliland waa tan imika la doonayo, Koonfurta Suudana waxa la hadal hayaa inay Masar Saldhig ka sameeysanayso, marka Itoobiya waxay ku jirtaa xero Saldhigyo carbeed ku wareegsean yihiin, waxaas oo dhami waxay abuurayaan shaki dawladdaha jaarka ah, gaar ahaan Itoobiya.

 Cabdiraxmaan Caddami mar uu ka hadlaayey qaabka uu heshiiskani ku dhacay ayaa “Haddii aynu u nimaadno dhinaca Somaliland, marka hore heshiiskani waa qarsoodi, waxa laga qarinayaa Dadweynaha, waxa laga qarinayaa Wakiilada,waxa laga qariyey inta badan xubnaha Wasiiradda oon  war ka hayn, markaas waa heshiis qarsoodiya, oo wuxuu ka kooban yahay aan la ogeyn ilaa maanta, wada xaajoodka heshiiska ee Somaliland iyo Imaraadku kamay qayb ahayn khubaro Milatari oo reer Somaliland ahi ama waayo-arag ah, marka mashruucaas oo kale la galayo ama laga xaajoonayo waa in khubaro Milatari oo reer Somaliland ahi qayb ka ahaadan heshiiska, nin Rayid  ah ama Wasiir ah, ama Dilaal ah, ama Safiir ah, ma gali karo heshiiskaas oo kale, waa in cid u ehel ah Saldhigyada  milatariga iyo arimaha milatarigu waa inay qayb ka ahaadan.”

Cabdiraxmaan Caddami mar uu ka hadlaayey Imaraadka iyo wuxuu ka aamisan yahay Somaliland ayaa yidhi “Imaraadka aynu heshiiska intaas leeg la galnay, Somaliland uma aqoonsana xataa maamul goboleed iska daa Icitiraaf’e, quwadaha waaweyni wey iska difaaci karaan wixii ku soo duula Saldhigooda ama Somaliland,Imaraadku ma laha awood milatari oo ay ku difaacdo cadawga aynu sameeysanay, marka Saldhig sameeysto cid baad cadaw ku tahay, cadawgaas dawladdaha waaweyni wey iska difaaci karaan haddii Saldhig ka sameeystaan Berbera,  laakiin Imaraadku ma difaaci karaan  Cadawga aynu sameeysanay ee Saldhigan loo sameeynayo”.

Cabdiraxmaan Caddami mar uu ka hadlaayey in ogolaasha Saldhiga laga soo qaatay Somaliya iyo khatarta ka iman karta ayaa yidhi “Madaama ogolaansha guud laga soo qaatay Somaliya, Ciidamada Somaliya iyo kuwa kaleba awood bay u yeelan karaan inay yimadaan Saldhiga Milatariga, ilayn waa dawladdii ogolaate, oo ogolaansha kowaad laga soo qaate, Tababaro ayaa halkan lagu siin karaa Dawladda Somaliya ciidamadeeda, shuruudo kale ayaa lagu xidhi karaa, awood ayey ku yeelan karaan takrifalka ama siyaasada Saldhiga, madaama ogolaashaha kowaaad ay iyagu leeyihiin”.

Isagoo ka hadlaya  kala duwanaasha Dawladdaha Carabta iyo Itoobiya iyo halkay ka taagan yihiin Somaliland ayaa yidhi “Dawladdo Carbeed oo Imaraadku ka mid tahay, oo aynu ognahay inay si adag uga soo hor jeedaan madax banaanida Somaliland ma aamini karo, Qaranimadayda kuma aamini karo,kuma doorsan karo dawlad afirkaan ah oo aanu jaar nahay, oo wax fara badani naga dhexeyaan, tusaale ahaan dawladda Itoobiya waxay inoola macaamishaa sidi dawlad madax banaan, waxay aqoonsan tahay oo aynu ku tagnaa Basaboorka Somaliland, Imaraadka iyo dal carbeed oo kale kuma tagi karno, Ciidamadeena waxay siisa Tababaro, Imaraadka iyo dawlad kale oo carbeed ma siin karto mana dhici karto, Itoobiya waxay aqoonsantahay shahaadada Dugsiyadeena iyo Jamaacadaheena Wadan Carbeed oo Imaraadku ku jirnaa ma aqoonsana, deeq waxbarasho ayey siisaa Itoobiya Ardaydeena iyo Shaqaalaheena dawlad carbeed oo kale ma siiso, waxa inaga dhexeeya Itoobiya ganacsi iyo is dhex galka labada shacab, waxay inoola diyaar yihiin inay inoo hiiliyaan haddii loo baahdo.”

Isagoo ka hadlaya kulan uu madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo laba wasiir oo xukuumadiisii ka tirsanaa la yeesheen raysalwasaarihii hore ee Itoobiya wuxuu yidhi “Madaxweynihii hore ee Somaliland Muddane Daahir Rayaale iyo laba Wasiir oo kale ah Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo Mudane Cabdilahi Maxamed Ducaale, mar ay la kulmeen Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, wuxuu ku yidhi waxaan idiinku balanqaadaya in aanay Itoobiya marnaba ogolaan doonin wax dusha la idinkaga keeno ama la idinku qasbo, mar uu Raysal-wasaaraha hadda ee Itoobiya la hadlaayey Barlamaanka Fadaraalka Itoobiya, hortooda wuxuu ka yidhi Somaliland waa saaxib aynaan kala maarmi karin, waanu difaaci doonaa haddii dibadda lagaga soo duulo, sida daraadeed la isma barbar dhigi karo, la iskuma doorsan karo dawladdo carbeed oo qadiyada Somaliland khatar ku ah iyo dawlad intaas oo naga dhexeysa ay dheer tahay dharaartaan u baahdo ii hiilinaysa.”

Ugu dambayn wuxuu Cadami yidhi “Haddii ay dhacdo Saldhigaas in Ciidamada Somaliya awood u yeeshaan sida tababaro oo kale, waxa loo qaadanayaa khiyaamo qaran, wixii ka masuula  masuuliyadaasna waxay istaahilan in Maxkamada la soo taago.”