Shirkadaha Biyaha Iyo Sharaabka Oo Xukuumadda Ka Codsaday Inay Soo Dhex Gasho Cashuur Dawlada Hoose Ee Hargeysa Ku Soo Rogtay

0
550

Hargeysa(Geeska) – Gudida Warshadlayda Sharaabka iyo Biyaha soo saara ee Somaliland ayaa cabasho xoogleh ka muujiyay Cashuur ay sheegeen inay sharci daro tahay oo ay ku soo rogtay Dawlada Hoose ee Hargeysi,waxa ay Madaxweynaha Somaliland iyo Dawlada dhexe ugu baaqeen inay soo dhex galaan iyaga iyo Dawlada Hoose ee Hargeysa,waxaanay ka codsadeen in cashuurtaasi si deg deg ah loo joojiyo,waxa kale oo ay sheegeen in aan dheg jelaq loo siin go’aan sharci ah oo ka soo baxay Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu joojiyay Cashuurtan sharci darada ee aanay qaadi Karin Warshadlaydu.  

Gudoomiyaha Gudida Shirkadlayda Maxamed Sheekh Cumar oo ugu horayn Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Dawlada dhexe Cashuur dhaaf ayay nasiisaa,may jireen Warshadahani hadaanay cashuur dhaafkaasi helin,Bari hadii uu Cashuur Dhaafku istaago Warshaduhu way xidhmayaan,anaguna shaqo abuur ayuunbaanu ahayn, Dawlada Hoose cashuur Qarul xad ah ayay nagu soo rogtay,3500 kartoonkii,iyaguna Cashuuraha malehee Khidmad ayay leeyihiin, Markii aanu isweydiinayna Maayarkii ayaanu doon doonay,Waxaanu ugu tagnay Madaxtooyadda,Wuxuu yidhi,anaga ayaa sharci dejin ah”.

Sidoo kale Waxa halkaasi ka hadlay Axmed Maxamed Cilmi oo Xubhana Boodhka ku jira,waxaanu yidhi “Cabashadayadu waxay u badan tahay Xaqul xashiish ay dawlada Hoose ee Hargeysi naga qaadi jirtay,oo ay kordhisay taasi oo kaliftay inay imika shan cisho ay baabuurtii biyaha iyo sharaabka siday ay kaantarooladda bariga iyo Galbeedka ay ku xaniban yihiin,runtii anagu waxaanu nahay dad muwaadiniin ah oo dalkooda maalgalin ku sameeyay, Warshaduhuna waxay ka mid yihiin meelaha aynu doonayno inay xoogga saarno,Maadaama aynu nahay dal soo koroya,Dhinaca kalena shaqo abuur loo baahan yahay,Qiime dhaca ku dhacay Shilinka Somaliland waxa u sabab ah wax soo saar la’aanta dalkeena,Ma nihin dal dibada wax u dhoofiya,Xoolaha ayaynu dhoofin jirna oo waa kuwaa Xoolihiina istaagay,Warshadahana waxaynu u abuurnay inay wax inoo seefgareeyaan,oo lacag dollar ah oo dalka ka bixi lahayd ay baajiyaan,Dhinaca kalena ay shaqo abuur sameeyaan,Warshaduhu gacan qabasho ayay u baahan yihiin”.

Mahdi Maxamed Cumar oo ka mid ah Xubnaha Boodhka Warshadlayda ayaa isna waxa uu yidhi “Anagu cashuurta intaasi leeg ma awoodno oo ma bixin karno,maalintii milyan wada socda kamaba helno biyaha,,Milyaankaasi lanagu soo rogay maalintii,marka aynu sanaddkii ku xisaabinimo,45-kun oo Dollar ayay sanadkii noqonaysaa,Xaqul Xashiish 45-Kun oo Dollar shirkad laga qaadana wali maynu maqal,Runtii Golihii dib ayuu iskugu noqday,go’aan ayay soo saareen Gudidii joogtada ahayd,Waxaasi waa Qayrul sharci ayay isku raaceen,Warqad ayay soo saareen,waxaanu islahayn nidaam iyo Dawlad ayaa jirta,dhegba jalaq looma siin,Gaadiidkii shirkaduhu Kaantaroolada Barigga iyo Galbeedka Hargeysa ayay ku xaniban yihiin,Gaadiidkaasi waa kiro,lacag ayaa ku socota,markaa tacadigaasi ayaa jira,Go’aankaasi Baarlamaanka looma hogaansamin,waxaynu ku kala soconaa waa sharciga,waataa sharcigii ay ku tumanayso Dawladii hoose,Xaaladaasi ayaa taagan”.

Muj Jamaal Caydiid Ibraahim oo ah guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga  oo isna ka mid ahaa Ganacsatadii halkaasi ka hadashay ee Cabashada ka muujisay Cashuurta dawlada hoose ayaa waxa uu yidhi “Golaha deegaanka Hargeysa oo ay ahayd in marka ay Wax soo saarayaan ay ka shiraan,iyagoon ka shirin ayay koox ka mid ahi iska soo rogtay cashuur,iyagoon akhriyinba Distoorka u jideeyay Arintaasi, waayo iyagu dalka khidmad ayay ku leeyihiin ee kumalaha Cashuur,Warshadaha dalka ka diwaangashay ee yaalaa waa 64-Warshadood,21- ayaa ka shaqeeya,Qaarna ay xidhmaan, Qaarna ay furmaan kolba,intaasi kalena waxay u xidhmeen dhaqaale la’aan iyo iyagoo Raw-Material-kii soo iibsan kari waayay,Waxa intaasi noo dheer,Shayga keli ah ee Dawlada naga soo gala ayaa sidii Fiitooga naloogu hanjabaa,sida “Cashuur dhaafka ayaanu idinka joojinaynaa hadaad cashuurtaasi la idinku soo rogay bixin waydaan”.

Maayarkii hore ee Golaha Deegaanka Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka mid ahaa Ganacsatada shalay Shirka Jaraa’id qabatay ayaa talo u soo jeediyay Golaha Deegaanka Hargeysa,waxaana uu yidhi“Horta Dalwada Hoose ee Hargeysa maaha inaad wuxuun iska qortaan,Waliba bilaa sharci ah,Laab la kac iyo inta meel la iska fadhiisto,laba iyo Saddex waxay soo saarayaan Wax idin dhaqaya maaha,Maayarku waxa uu soo qoray wax soo saarka Caasimada,ma caasimada ayaa biyahan soo saarta waxa laga keenaa Gobolada dalka oo dhan eh,Markaa meelaha kalena ma isaga ayaa xukuma,wax soo saarkan uu ka doonayaa waa maxay,illayn Warqadiisan waxa ku qoran,waxaanu idinku leenahay Cashuurta wax soo saarkee”.Ayuu hadalkiisa ku soo koobay hadalkiisa.