Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Si Diiran Loo Soo Dhaweeyay Iyo Khudbadii Duur Xulka Ahayd Ee Uu Jeediyay

0
647

ina cabdi

“Maanta Xisbi Ma Lihiye Tol Baan Leeyahay Oo Bulshada Somaliland Ayaa Ii Tol Ah.”

 

Hargaysa( Geeska )-Gudoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, isla markaasna si wayn loogu soo dhaweeyay madaarka magaaladda Berbera iyo duleedka Hargaysa.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa muddo bilo ah ugu maqnaa wadanka Ingiriiska daawayn caafimaad, kadib markii dhaawac ka soo gaadhay dhabarka  shirkii ugu danbeeyay ee xisbiga Kulmiye uu qabsado kaas oo xoog lagaga saaray.

Munaasabad soo dhawayntaas la xidhiidha oo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir loo sameeyay ayaa lagu qabtay hotel Kaah ee magaaladda Hargeysa,waxana  ka qaybqaatay dad ay ka midyihiin  mujaahidiin , madaxda ururada siyaasadda , xildhibaano,  masuuliyiin ka tirsan xisbiyada qaranka  iyo dad kale oo aad u tiro badan.

Bilawga munaasbadda loo sameeyey  Cabdiraxmaan Cabdiqaadir  waxa ka  hadlay xildhibaano ay ka mid yihiin xildhibaan Baar Siciid, Ibraahin Jaamac Rayte, Mujaahid Cali-gurey, gudoomiye ku xigeenka  urur siyaasiyeedka Xaqsoor Cali Sandule, dhamaan masuuliyiintan ayaa  sheegay in ay aad uga xun yihiin dhacdaalad daradii Cabdiraxaan Cabdiqaadir lagaga saaray shirweynihii 3aad ee  golaha dhexe  ee xisbiga  Kulmiye,  kaas oo  uu ku waxyeeloobay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Ugu horayntii mujaahid Cali Guray oo ka hadlay munaasibadaas Cabadiraxmaan Cabdiqaadir loo sameeyay ee soo dhawaynta ah ayaa si ba’an u weeraray xisbiga Kulmiye oo uu ku tilmaamay mid aan abaallahayn, waxaanu ku sheegay wasiirada arimaha gudaha iyo madaxtooyada kuwo wadanka ku amarkutaaglaynaaya.

Ugu horayn mujaahid Cali Guray waxa uu sheegay  inay filaayay in saaxiibadii Kulmiye ay soo dhawaynayaan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir balse ay ku fashilmeen waxaanu yidhi  “Waxaan is lahaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir saxiibadiisii Kulmiye ayaa soo dhawayndoona iyaga oo iska iloobay wixii dhacay maalintii aynu garanayno,saaxiibtinimaduna waa arin gaara ee rag badan ayaan filayey inay soo dhaawayndoonan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir kuwaas oo Kulmiye ah, laakiin Lib-gadka iyo abaal la’aantu waa xeer u gooniya xisbiga Kulmiye. Raga  aan madashan ka filayey inay  ku  soo dhaweeyaan saaxiibkoodii ay dhabarka ka jabiyeen waxay ka baqayaan wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka arimaha gudaha oo markay is hortaagaan sidii inan gashaantiya ay  hanqalkooda hoos u rogaan.”?

Cali Guray  oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu u hiilinayo xaqa iyo cadaalada waxaanu yidhi ?“Anigu  daalin iyo  madluun waxaan u hiilinayaa madluunka,cadaalada iyo cadaala daradana cadaalada ayaan u hiilinayaa,beenta iyo runtana runta ayaan u hiilinayaa. Waxaanan leeyahay saaxiibkay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir hadii aynu danbi galnay oo malaha  wakhti  faraha badan aynu  taageeradeena ay  qaadatay  cidii aynu siinay  ayaa danbi ahayd , inaanu ka toobad keeno oo aynu ilaahay  u toobad keeno ayuunbaana  ka asala.”?Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wixii uu kulmiye foolxumada u yaqaanay markii ay  ololaha doorashada ku jireen waxa iska cad inay maanta qurux u yaqaanaan oo ay ku faanayaan, wixii ay wanaaga u yaqaaneen ee balanqaadadooda ku jiray ee ay  ka mid ahaayeen cadaalada,madaxbanaanida saxaafada iyo xoriyatul qawlka maanta waa wax la fool xun indhahooda.?Maanta waxay wadaan wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka madaxtooyadu  Gaaniyeyn iyo Moorganayn ayaan  u aqaanaa, umadanina taas way ka soo dagaalantay mana aqbalayso.”

Gudoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor Cali Xasan Maxamed (Cali Sandule), oo ay taageerayaasha xisbigoodu si diiran oo aan loo kala hadhin u soo dhaweeyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi“Cabdiraxmaan waxaan leeyahay ururka Xaqsoor haanunahay waxaanu kugu soo dhawaynaynaa inuunu safayno qalbigaaga, inaan kaa dawayno oo magaca aan sheeganayno ee Xaqsoor aanu muujino inaanu cidna ka gabanayan, waxaan leenahay cidii lagu sameeyo wax qalad ah maskaxdeena aan ka shaqaysiino oo aan xaqiiqada taabano oo soo dhawayno inaga oo damiirkeenu ina hogaaminayo, waa alle mahadii hadii uu Cabdiraxmaan maanta soo noqday isaga oo caafimaad qaba, hadii uu arkay sida karaamada leh ee dadkiisu u soo dhaweeyay, gafkii uu hore u tirsanayayna waxa uu ku ilaawi doona waxan wanaagsan.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ugu danbayntii soo xidhay xafladaa lagu soo dhawaynaayay ayaa uga mahadnaqay ururda, xildhibaanda, siyaasiyiinta iyo guud ahaanba shabiga Somaliland sida ay ugu hiiliyiin, waxaan hadaladiisa kamid ahaa “ Dhamaantiin aad baan idiinku mahadcelinayaa, aadbaanan ugu faraxsanahay soo dhawayntiina, waxii aan odhan lahaa iyo hadaan caban lahaa iyo hadaan wax canaanan lahaaba walaalayaal idinkaa hore iigu yidhi oo  gobal kasta ka yidhi.Maalin horaan khudbadynaayay ayaan idhi anigu to lma lahiye xisbibaan leeyahay, maanta xisbi ma lhi’ye tol baan leeyahay oo bulshada Somaliland ayaa ii tol ah.”

Ugu danbayntii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu dadka reer Somaliland ku tilmaamay kuwo gob ah oo xaqa u hiiliya marwalba, waxaanu illaahay uga baryay inay helaan go’aamiye wanaagsan.