Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Amar Yeedhmo Ah U Dirtay Tifaftiraha Wargeyska Caalami

0
672

futureHargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ka xog waramay wadahadaladii ay Somaliland iyo Somaliya wadayeesheen oo uu kamid ahaa waftigii ka qaybgalay, Fayasal waxa uu ku tilmaamay daawlada uu hoggaamiyo Sheekh Shariif mid aan gaadhin heer wada hadal la’la gali karo  balse ay Somaliland dalalka Dunidu u balan qaadeen in waxii go’aamo ah ee ay wada gaadhaan ay soconayaan.

Faysdal Cali Waraabe waxa uu meesha ka saarayin ay ajanadaha Somaliland ee wada hadalda ay ku jiraan in Sheekh Shariif lagu martiqaado Somaliland, waxa kale oo uu Faysal daboolka ka qaaday inuu maxkamadda dacwad kaga soo oogi doono wargayska Haatuf oo uu ku eedeeyay inuu samacad dil ku sameeyay xisbiga Ucid.

Waxa uu gudoomye Faysal Cali Waraabe arimahan iyo kuwo kalaba kaga warmay shir jaraa’id oo uu xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waad ogtahiin Somaliya haatan kama jirto dawlada aynu odhan karno waa dawlad, waxaa magacuyaal oo waa dad layku keenkeenay, oo kala wadamabda’ah oo kala qabiil ah oo aan is aaminsanayn, waxa jira maamulo qabaa’il ku dhisan sida gobalka Majeerteeniya oo kale, Galmudug oo kale, meelo waxa haysta xoogaga shisheeye, meelana Al-shabaab ayaa haysta, markaa wadan aynu odhan  karno waxa uu taaganyahay heer ay Somaliland kula hadasho maaha, ilaa intuu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal noolaana waxayu odhan jirnay yaanu la hadalnaa, marka la yidhaahdo wadahadla, markaas tan maanta damaanadbaa laynasiiyay oo waxa la yidhi TFG-da dawladaa maanta gacanta ku  haya waxii aad kala saxeexataana wax jira weeyaan, lakiin waa in aynu ogaanaa waxa Somaliya la yidhaahdo oo sidii lixdankiiya oo kaladanbayn leh in aanay jirin, waxii kale ee hoos yimaadana waa inoodan in laga wadashaqeeyo.”

Gudoomiye Faysal oo ka warmaaya kulankii labada madaxweyne Somaliland iyo Somaliya ay wada qaateen iyo waxyaabhii ay wadasaxeexeen waxa uu yidhi “Waxa ay labada madaxweyne kala saxeexdeen waxa weeye, waxii aanu ku soo dhamaynay London, waxaana ah in la xuso in aynu inagu u dhamayn oo taas sharaf ayay inoo keentay oo heer qaran ayayn noqotay, mucaaradkii,muxaafidkii,madaxweynii hore iyo anaga oo Ucid ahba, waana la majirtay arintaa, dadka reer Somalilanda Berbera ilaa Hargaysa wadooyinka ayay taagnaayeen iyada oo aanay cidina abaabulin, taasin waxay ku tusaysaa in rajadii umaddu soo fiicnaatay oo aynu guulwada gaadhanay.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in uu maxkamadda gaynaayo wargayska Haatuf oo uu ku sheegay in uu aflagaado shaqsiya u gaystay, waxaanu si adag ugu celceliyay isaga oo lulaalay jariirarada Haatuf inuu sharciga la beegsan doono, waxaan hadaladiisii kamid ahaa “Arintaas maxkamadaanu gaynaynaa, dhaawaca uu aniga Faysal Cali ahaan I igaystay mid horna waan hayaa oo Cable ( Xadhigii badda hoosmarayay ) uu igu aflagaadeeyay, maantana ninkaas la yidhi waxa uu damacsan yahay inuu ku soo biiro xisbiga ayuu igu aflagaadeeyay, anigu ma samaynaayo wax cunfiya lakiin sharciga ayaan marinayaa.”

Ugu danbayntii Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay waxa ka jira wararka sheegay in madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif lagu marti qaadayo Somaliland haday wadahadaladu sii socdaan waxa uu kaga jawabay  “Waxaasi wax suurto gal ah maaha, shariifka maxaa inoo keenaya, heshiis waa uu inala saxeexday waa u geesinimo, madaxweyne Siilaanyana waxa uu sameeyay gesinimo, lakin hada ma jirto wax Somaliland u qoshaysay in Shariifka iyo maamulka Somaliya ka dhisan in la qaabilo, ajandahana nooguma jirto. Shirkaasuna waxa uu noqday Somali is hortimi, inaguna waxaynu ka helnay samcad aynaan waligeen ka helin, oo waxa joogay warbaahintii dunida oo dhan, markaas dadbadan oo imaaraadka ah ayaaba hanbabaray oo yidhi ma laba Somaliyeed ayaa jiray, oo aan horeba inoo maqal, markaas waxa uu ahaa jaanis fiican oo guushii markaynu dalkeena xoraynay iyo markaynu ku dhawaaqnay gooni isku taaga, tani guushii sadexaad ayay noqonaysaa.”