Shirkadda Dahab Shiil Oo Beenisay Inay Maalgelinayso Shir Hargeysa Lagu Qabanayo

0
554

shilHargeysa(Geeska)-Shirkadda Dahab Shiil ayaa si kulul u beenisay war uu Geeska Afrikabaahiyay cadadkiisii Salaasadii doraad, kaas oo ku saabsanaa urur lagu magacaabo Worldwide Somali Students and Professionals (WSSP), oo sheegay inay shirkadda Dahab Shiil maalgelinayso shir uu ururkaasi sheegay inuu dhawaan ku qaban doono Hargeysa.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa cadadkiisii Salaasadii ku soo bandhigay shirkaas uu ururku sheegay inuu Hargeysa ku qabanayo iyo ajandayaasha ku qarsoon iyo weliba aragtida ururka ee madaxbanaanida Somaliland. Ururku wuxuu baahinta shirkaas ku sheegay inuu Dahab Shiil maalgelinayo. Laakiin madaxda shirkadda Dahab Shiil oo uu Geeska Afrikashalay la kulmay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada ururka. “Waxba kama jiraan warkaas, Dahab Shiil kama shaqeeyo arrimaha siyaasadda, wax alla wax aanu shirkaas iyo ururkaas ka ognahay toona ma jirto, umadda waxaanu u sheegaynaa inaanu Dahab Shiil maalgelin shirarka siyaasadda.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah madaxda Dahab Shiil oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika.

Haddaba, wargeyska Geeska Afrika,wuxuu shirkadda Dahab Shiil iyo maamulkeedaba ka raali gelinayaa warka maalgelinta shirka ee uu ka soo xigtay ururka oo iyagu ku andacooday in Dahab Shiil maalgelinayo.

Geesta kale, qurbe jooga reer Ingiriis ee Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland u soo diray dhambaal ay ugaga digayaan in shirkaas lagu qabto Hargeysa.