Hay’adda Save The Children Oo Saddex Baabuur Ku Wareejisay Wasaaradda Waxbarashada

0
552

Hargeisa(Geeska)-Hay’adda save the chidren xafiiskeeda magaalada Hargeisa ayaa saddex baabuur oo laba yihiin nooca xaajiyadaha Pick up  loo yaqaanno iyo gaadhi laan guruusal  nooca Hard Top loo yaqaanno ku wareejisay wasaaradda waxbarashada Somaliland.

1

 Xafladda wareejinta baabuurta oo ka dhacday xarunta wasaaradda waxbarashada ayaa waxa ka qayb galay madaxda wasaaradda waxbarashada oo uu hor kacayo wasiirka wasaaraddu iyo saraakiil sarsare oo ka socotay hay’adda badbaadada carruurta ee save the children.

Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay madaxa waxbarshada ee hay’adda save the children ee caaalamka Mr. David Skinner, isaga oo ku dheeraaday taariikhdii hay’adda iyo goortii ay Somaliland timid. Waxaanu sheegay in save the children muddo ku dhow toddobaatan sano ay ka shaqaynasyay Somaliland. Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in hadafka ugu weyn ee hay’addu yahay sidii daryeel waxbarasho iyo mid caafimaadba loogu fidin lahaa carruurta.

Ku-xigeenka madaxa hay’adda save the children ee hawl gallada Somaliland iyo Somalia Maxamuud Xasan, David skinner Iyo wasiirka waxbarashada C/laahi Ibrahin habbane.

Madaxa hay’adda Badbaadada carruurta, Save the children ee Somaliland Mukhtar Muxumed Xasan oo isna madasha hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay mashaariicda ay haay’addu Somaliland ka waddo gaar ahaan Mashruuca Horumarinta Cilmiga oo ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda waxbarashada Somaliland. Waxanu carrabka ku dhuftay in mucaawinadan baabuurtu aanay ahayn tii ugu horraysay ee hay’adda save the children siiso wasaaradda waxbarashada balse, isla markaana aanay noqon doonin tii u danbaysay.

David Skinner, Wasiirka waxbarashada, Somaliland C/laahi Ibrahim Habbane iyo Madaxa Hay’adda save the children Mukhtar Muxumed Xasan.

Wasiirka wasaaradda waxbarshada Somaliland Mudane C/aalhi Ibrahin Habbane ( C/alaahi dheere), oo halkaa isna hadal dheer ka jeediyay ayaa u mahad naqay Hay’adda Save the children sida ay ugala shaqayso waxbarashada dalka isaga oo ku nuuxnuuxsaday kaalinta weyn ee hay’addu kaga jirto kor u qaadidda waxbarashada Somaliland gaar ahaan barnaamijka Horumarinta cilmiga oo hadda wajigiisii labaad ay ka qayb ka yihiin baabuurtani.

Ku-xigeenka madaxa xafiiska Hay’adda save the children ee Somaliland iyo Somalia ee hawlgallada Maxamuud Xasan ayaa isna caddeeyay sida ay ugu faraxsanyihiin inay maanta baabuurtan ku wareejiyaan Wasaaradda waxbarashada Somailand,, isagoo sheegay inay wax badan ka tari doonaan isu socodka gobollada madaama oo madaxda  wasaaradda waxbarashadu ay gobollada oo dhan isaga kala gooshayaan.

Mashruuca horumarinta cilmiga ayaa ah mashruuc ay hay’adda save the children ka waddo dhammaan gobollada Somaliland kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa kaabayaasha waxbarashada sida dhisidda dugsiyada, tababaridda macallimiinta iyo dhismayaasha kale lagama maarmaanka u ah waxbarashada.