Golaha Guurtida Somaliland Oo Soo Saaray Go’aan Ah ‘In Muddo-xileedka Wakiilladu Ku Dhammaanayo Wakhtiga Doorasho Dalka Ka Hirgasho’

0
550
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa (Geeska) – Golaha guurtida ee Somaliland ayaa sheegay in muddo kordhintii ay u sameeyeen golaha wakiilada ay ku egtahay xilliga la qabanayo doorashooyinka golaha wakiilada iyo Goleyaasha deegaanka, taas oo guddiga doorashada ku cayimeen in la qabanayo 31-ka bisha May ee sanadkan.

Golaha guurtida ayaa doraad waxay ka shireen sidii la isu waafajin lahaa maalinta doorashada oo komishanka u cayimeen 31 bisha May ee sanadkan iyo muddo kordhintii loo sameeyay Golaah Wakiillada oo dhamaanin isla-markaana ku eg 28-ka bisha November ee sannadkan, taasi oo sida muuqata ka dambaysa xilliga Komiishanku u cayimay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan.

Kulan ay shalay yeesheen Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxay ku aqbaleen Codsigii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada Qaranka, kaasi oo ahaa inay Is-waafajiyaan Muddo-kordhintii ay hore ugu sameeyeen Golaha Wakiillada iyo xilliga komiishanku cayimay doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee cusub.

Fadhigii shalay oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudaneyaasha loo akhriyey Talo soo jeediyeen ka soo baxday 31 Xubnood oo hore Golaha Guurtidu ugu saaray inay ka soo talo-bixiyaan arrintaasi “Goluhu wuxuu saaray Go’aanka ah, in dhammaadka Muddo-xileedka Golaha Wakiillada ee hadda fadhiya, kuna eg 12.02.22, laga bilaabo 02.02.2021 in dhammaadka Muddo xileedka Golaha Wakiillada ku egyahay bil ka dib Maalinta qabsoonto doorashada Golaha Wakiilladu..” ayaa lagu sheegay Go’aanka ay soo saareen Golaha Guurtida oo uu Warbaahinta u akhriyey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi Md. Siciid Jaamac Cali.

Go’aankaasi ayaa waxa Cod ku ansixiyey Mudenayaasha Golaha Guurtida Somaliland, taasi oo ka dhigan in muddo xilkeedka Golaha hadda fadhiya ee Wakiilladu ku eg yahay bil ka dib marka ay qabsoonto doorashada Golaha Wakiillada ee cusub.

Go’aankan ayaa waxa soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada Qaranka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office