Hargeysa: Dhallinyaro Qabatay Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Aflagaadadii Loo Gaystay Nebiga SCW

0
585

Picture2Hargeysa(Geeska)-Mudaharaad lagaga soo horjeedo sawir gacmeedkii lagu aflagaadeeyay  Nabigeena suuban naxariis iyo nabadgeliyo korkiisa ha ahaate mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Faransiiska, ayaa ka dhacay Shalay Magaalada Hargeysa.

Mudaharaadkan oo Subaxnimadii Shalay ka dhacay faras magaalaha Magaalada Hargeysa, ayaa  waxa dhigay dadweyne aad u tiro badan oo u badan Dhalinyaro, kuwaas oo ka gadoodsanaa Sawir gacmeedka wax lagaga sheegayo Nabigeena suuban, waxaanay  ku dhawaaqayeen Tawxiidka ILLAAHAY SWT, iyaga oo ahaa “ALLAH AKBAR, ILLAAHAY ayaa weyn, waxa kale oo ay lahaayeen “Haddii Xorriyaddiina hadalku sidaas tahay,idinkuna u adkaysta Xorriyadda Ficiladayada”. Waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin “Waxaanu Nahay dhalinyaro ka dhiidhiday Nabiga(CSW) la caayay ee Dadkaas xun ee Gaaladda ahi caayeen ee Hadalada iyo sawirada foosha xun ka sameeyeen. Waxa kale oo aanu leenahay dhalinyarada iyo dadka waaweyn ee Nabiga Caaya Illaahay ka baqda Nabigana Adeeca”Dhinaca kale Dhalinyaradan ayaa sidatay Boodh ay ku qoran yihiin  ‘Allahi Akbar ama Illaahay Naftaada U Hur u Hiilinta Nabiga iyo Diinta Islaamka waliba”.Dhanka kale Dhalinyaradan ayaa gubtgay Calanka Faransiiska, waxaanu mudaharaadkan oo ahaa mid salmiya, isla markaana wax dhib ah aan cidla loo geysan, khaasarana ka dhalan, oo dhab ahaana ah Mudahaarad lagu muujinayey sida looga xun yahay Sawir gacmeedka Nabigeena suuban wax lala sheegayo, ayaa Ciidamka Boolisku markii dambe Dhalinyaradii kala dareeriyeen.