Cabdillaahi-jawaan Oo Banaanka Soo Dhigay Arrimo Siyaasiyiintu Afka Ka Dhawraan, Maxamuud Xaashina Ku Tilmaamay Raysalwasaare Aan Sharci Lahayn

0
558

Hargeysa(Geeska)-La taliyihii madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada Md. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii la taliye iyo xubinimadii guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE.

Md. Jawaan, wuxuu sheegay in taladii dalku ku soo ururtay dad aan la dooran, isagoo wasiirka madaxtooyada ku tilmaamay ninka dalka xukuma oo ah raysalwasaare aan sharciyadii haysan.“Go’aan  baan go’aan ku gaadhay inaan xilkaas ka fadhiisto, sababaha aan uga tagayna ciddii ay khusayso oo madaxweynaha ahaa iyo xisbiga KULMIYE labadii masuul ee u madaxda ahaa waan gaadhsiiyay sababihiina qoraal ayaan idinka iyo umadda idiinku soo gudbinayaa.” ayuu yidhi siyaasi Cabdillaahi-jawaan.

Cabdillaahi, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Wax kasta oo aan qoro waxba la igama dhagaysan, markaas anigoo qadarin u hayo madaxweynaah cidda aan arrimahaas ku aanaynayaana maaha madaxweynaha, dad aan la dooran ayaa go’aamadii u dambeeyay ee dalka gooya taana meel ku tagi mayno. Anigu ma cambaaraynayo madaxweynaha sharaf iyo tixgelin ayaan u hayaa laakiin taladii loo doortay waa baylah. Dalka dhan waxay ku soo ururtay wasiirka madaxtooyada, maanta shaqada uu wasiirka madaxtooyadu fulinayo waa raysalwasaare aan lahayn sharciyadii, madaxweyne-xigeenkii oo caajis iyo hamaansi dilay oo halkaas iska fadhiya ayaad arkaysaa, oo markaad la sheekaysatana calaacalaya, waxaad arkaysaa wasiir shaqo leh oo hawshiisii wasiir kale oo wata le hebel ayaa waxaas sameeyay kii shaqada lahaana uu daawanayo ama qayilayo oo meel iska fadhiyo.”

Cabdillaahi-jawaan, wuxuu si adag u dhaliilay guddiga doorashooyinka, oo uu ugu baaqay inay is casilaan haddii aanay hawsha doorashada qaban karayn,  “Fadhigii ugu dambeeyay ee komishanka loo yeedho, wasiirka madaxtooyada ayaa u yeedhay ana ii yeedhay oo yidhi komishankii ayaanu shir wada leenahee kaalay, waxay yidhaahdeen naga saar cabdillaahi, arrintaas u fiirsada, wuxuu wasiirku ku yidhi Cabdillaahi shaqada ayuu nala lleeyahay aniga iyo madaxweynahaba arrimahaas wuu nagaga cawday waa xilkisii oo waa la taliyihii madaxweynaha ee doorashooyinka oo wuu nala leeyahay waxay isa soo taagtay ilaa aad naga saarto hadli mayno ee ha inaga tago isna wuxuu yidhi tagi maayo markii ay arrintu sidaas noqotay waxaan go’aansaday inaan anigu ka baxo, waxaan arkay xubnihii oo shan xubnood ahi waxan ay qarsanayaan bal ha u qarsonaatee ka bax, markii aan ka baxay waxa soo baxay mus danbeed, markaas aniga waxbaa ii sawirmay.”

Isagoo guddiga doorashada la hadlaya wuxuu yidhi “Adeer waxaan leeyahay ceeb maaha ee iska casila oo iskaga taga aniguba waanigan iska casilee, haddii kale waxba ha qarsaninee waxa weeye inaad xor iyo xalaal ku shaqaysaan, inaad tidhaahdaan hebel naga saara waxbaad qarsanaysaan. Waxaan leeyahay komishanku shaqadiisa ha bedelo.”