Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Safarka Farmaajo Ee UAE Iyo Shirka London

0
566

Hargeyska (Geesk)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay  safarka uu Madaxweynaha Somaliya ku tagay dalka Imaraadka, saamaynta ay ku yeesheen Doorashooyinka dib u dhacay xidhiidhka Somaliland iyo Caalamka, Shirka ka dhacaya London bisha shannaad iyo waxa Somaliland uga meel yaala, madaama la sheegay in laga saaray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu wareysigu u dhacay sidan

Madaxweynaha Somaliya wuxuu socdaal ku tagay Imaraadka, markaas ma la odhan karaa saamayn ayuu safarkiisani ku yeelan kara heshiiskii Saldhiga Milatari, oo dawladda Imaraadka uu kal hadlay?

Madaxweynaha Somaliya dantiisa iyo danta dalkiisa ayuu u tagay Imaraadka, laakiin arimaha Somaliland umuu tagin, Somaliland-na ma xukumo, kama taliyo madaxweyne-na kama ah, heshiiska saldhigana waxa wada galay Somaliland iyo Imaraadka, ee may wada galin Somaliya iyo Imaraadka, markaas haba yaraate wax saamayn ah oo safarkiisu inagu yeelanayaa ma jirto.

Shirka ka dhici doona bisha dambe London, waxa la sheegay Somaliland aanay ka qayb gali doonin, sababtana waxa lagu sheegay  Doorashooyinkan dib u dhacay, markaas maxa arintaas ka jira?

Horta Shirkani maaha Shir inaga ina khuseeya, maaha Shir Somaliland u gaar ah, ee waa Shir Somaliya u gaar ah, waxaanu daba socdaa oo uu shan ku yahay afar shir oo hore oo Somaliya loo qabtay, oo danaha iyo arimaha Somaliya, lagaga hadlaayey, Somaliland shirarkaas kamay qayb galin, Shirkana ka qayb gali mayso, laakiin marnaba lama odhan karo arimo Doorashooyinkeena khuseeya ayaa keenay in laga saaro Somaliland shirkan.

Marar badan bay Doorashooyinku dib u dhaceen, in badana Beesha Caalamku wey ka biyo diideen, weyna ka digeen Doorashooyinkaas dib u dhacaya,markaas ma la odhan karaa xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Caalamka wuu sii xumaanaya?

Doorashooyinka dib u dhacaya sabab la’aan umay dhicin, oo sababo ayaa keenay, Caalamkuna wuu qirsan yahay, waanu og yahay, waana dhab in niyad jab  keenayso Doorashooyinkan dib u dhacay,  laakiin xaqiiqada ayaa ah inaynu mar walba jecel nahay in Doorashooyinkeenu wakhtigooda ku dhacaan, laakiin wax is bedel ah oo ku yimid xidhiidhka inoo dhexeeya Caalamka ma jiraan, xidhiidh iyo macaamil wanaagsan ayeynu leenahay, waxaana jecel nahay mar walba in Somaliland wanaajso xidhiidhka ay la leedahay Wadamada jaarka iyo Wadamada kale ee Caalamka, sababtoo ah waxaynu inagu Caalamka ka iibinaynaa qadiyadeena iyo jiritaankeena, hadafkeenuna waa sidii aynu Caalamka uga heli lahayn aqoonsi caalamiya, imikaba waxa dhab ah in Caalamku uu inoola macaamilo sidii dal, madaama aynu buuxinay shuruudihii looga baahnaa dal, waxaynu se marti uga nahay Caalamka aqoonsi.

Wax dhab ah in Saddexda Xisbi ay isla garteen in Doorashada Madaxtooyada dib loo dhigo madaama ay abaaro jiraan, markaas Beesha Caalamka, gaar ahaan Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinka ma ku qanciseen in dalka abaaro ka jiraan?

Waa run oo markii horeba Xisbiyada ayaa isku yimid, oo isla gartay in aan wakhtigan Doorashada lagu qaban karin, waxaana xaqiiqo ah in bishii saddexaad ee aynu soo dhaafnay aan dalka Doorasho laga qaban kareen, madaama ay abaari jirto, dadkiina goobihii ay iska diiwaangeliyeen ka hayaameen, Xisbiyaduna intii ay Doorasho gali lahaayeen, waxay ka door bideen inay dadkooda u naxaan, Guurtiduna go’aan fiican bay ka qaadatay, waxaana xaqiiqo ah in dadaal xoogan iyo juhdi fara badan aanu galinay in aanu Caalamka gaadhsiino abaaraha dalka ka jira, waxaanu u dadaalnay si aanay u dadaalin Dawladdaha la aqoonsan yahay, cid waliba wey og tahay abaarta jirta, roobkii la filayey inuu bishan da’ana wali muu di’in, laakiin mar walba ILLAAHAY ayeynu bariyeynaa.

Waxa la hadal hayaa in Barlamaanka Somaliya ay wadaan mooshin ka dhan ah heshiiska saldhiga milatariga ee aad la gasheen Imaraadka maxaad kala socotaa?

Saldhigani wuxuu ku yaala Somaliland, ee Somaliya kuma yaalo, martina uguma nihin Barlamaanka Somaliya ee bilaash ayey u xiiqsan yihiin,