Agaasimihii Hore Ee Waxbarashada Oo Dambigii Lagu Waayay Lagaga Daba Yimid

26
589

Picture2Washington(Geeska/AP)-Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay mar labaad ku noqonayso isku dayga ay ku doonayso in dambi budhcad badeed ay ku soo oogto Mr. Cali Maxamed Cali, oo maxkamad Maraykan ahi hore ugu weyday dambigaasi. Sidaas waxa baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Mr. Cali, oo ahaa agaasimihii wasaaradda waxbarashada ee Somaliland ayaa markii uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday, wuxuu u socdaalay dalka Maraykanka oo markii uu gaadhayba lagu xidhay, waxaanu xabsiga ku jiray muddo laba sannadood ah. Maxkamad Maraykan ah ayaa bishii hore go’aamisay inaan Mr. Cali lagu helin dambi ah inuu budhcad badeed ahaa, waxaanu markaas ka badbaaday xukun culus oo ah xabsi daa’im. Hase yeeshe hay’adda cadaaladda ee Maraykanka ayaa u muuqata inaanay xukunkaas ku qancin oo ay mar labaad dacwadooda soo oogi doonaan.

Garyaqaanka difaacaya Mr. Cali ayaa maxkamadda u soo jeediyay Arbacadii inaan la aqbalin doodda hay’adda cadaaladda, waxaanu sheegay in Mr. Cali xaraynayo mooshin ka dhan ah dedaalkaas hay’adda cadaaladda Maraykanka.Wuxuu Mr. Cali u muuqdaa in mar labaad lagu oogayo dacwad sababi karta xukun uu hore uga badbaaday oo ah budhcad badeed.

Cali Maxamed Cali, waxa loo haystaa  dhex-dhexaadin uu sannadkii 2008da ka galay madax-furashada iyo sii deynta markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Denmark oo ay budhcad badeedda Soomaaliya ka soo qafaasheen gacanka-cadmeed, kaas oo aakhirkii ay shirkadii lahayd ka bixisay lacag madax furasho oo dhammayd 1.7 Milyan Dollar (Hal Milyan iyo Toddoba boqol oo kun oo Dollar.)

 

Comments are closed.