Cabdikariim wuu mudan yahay duqa Hargeysa laakiin xisaabta ma ku darsaday arrimahan?

0
1974

W/Q: Kamaal Marjaan

Cabdikariim Axmed Mooge waa shakhsiga ugu mudan in uu magaalada Hargeysa Maayer ka noqdo, ma’aha ammaan ama doonis aniga iga timi oo uma aan codaynba, waa se garashadayda oo ii sheegaysa in uu codkiisa ku mudan yahay xilkaas.

Waxaa hubaal ah in codadka xad beelka ah ee uu helay aanay ahayn kuwii beeshiisa oo keliya, balse saami weyn oo ka mid ahi uu yahay codad uu ka helay dadka reer Hargeysa ee khaatiga ka taagan maayer xumada qayrkood ka reebtay, isaguna uu fursaddaas ka faa’iidaystay oo uu rejo geliyey, kuna qanciyey in uu yahay wiilkii Hargeysa raadinaysay.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa muhiim ah in Cabdikariim iyo cid kasta oo duqa la doonaysa, oo aan ku jiraa, ay ogaato in ay adagtahay in marka loo dhiibo xilkaas uu si dhib yar oo hagardaamo la’aan ah u gudan karo waajibaadkiisa.

1. Golaha deegaanka shirkiisa koowaad ee duqa lagu dooranayo waxaa fadhiisiya oo u qabata wasaaradda Arrimaha gudaha.

2. Haddii aad maqashay ama ogeyd maayerradii hore ee goleyaasha deegaanka oo aanu khilaaf soo dhexgeli jirin muran badan oo dhinaca duqa iyo xubnaha Golaha ah, ogow sababtu waxa ay ahayd wasaaradda Arrimaha gudaha oo mamnuucday in goleyaasha deegaanku ay shirar aan caadi ahayn yeelan karaan, dabcan shirarka caadiga ahna maayerka ayaa isugu yeedhi kara. Sidaas awgeed ma’ay dhici kari jirin in koox Golaha deegaanka ka mid ah ama dhammaantood ay isu yimaaddaan kaddibna duqa xilka ka qaadaan. Waxa ay ahaayeen maayarro ay dawladda Dhexe ilaalisay kursigooda.

3. Dawladda Dhexe saamayn weyn ayaa ay ku leedahay dawladda hoose, waxa ay soo magacowdaa xoghayaha oo ah shakhsiga labaad ee ugu awood badan dawladda hoose; shaqaalaha dawladda hoose oo dhan isagaa maamula kelidii; maaliyadda, ma baxo jeeg aanu la saxeexin duqa; dhul aanu saxeex ku lahayn lama bixin karo; intaasna waxaa dheer in uu yahay xoghayaha guud ee Golaha deegaanka oo shirarka iyo ajandeyaasha shirarkaba wax ka soo dejiya, qorana go’aamada.

4. Dawladda hoose waxa ay ururisaa cashuur, waxa aanay kaalin ku leedahay amniga bulshada deggen caasimadda, sidaas awgeed waxa ay si aad ah u adeegsataa ciidamo bilays ah oo rug dadka lagu xidhana ku dhex leh dawladda hoose. Bilayska waxaa siiya taliska bilayska oo dabcan hoos taga wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladda dhexe ka midka ah.

5. Sharcigii lagu mideeyey cashuuraha dawladaha hoose iyo dawladda Dhexe ayaa sababay in wasaaradda maaliyaddu ay sannad kasta dawladda hoose siiso lacag badan oo ah cashuurtii ay u ururisay, laakiin xukuumadaha Somaliland iyaga oo iska dhigaya in ay caawimo siiyaan ay ku sheegaan kab la siinayo dawladda hoose.

6. Golaha waxaa isugu imanaya rag isku cusub, in badan oo ka mid ahina aanay siyaasiyan weli bislayn. Gole la isugu yimi oo talooyin muhiim ah iyo shaqo qaran taallana muran iyo khilaaf lagama waayo, dawladda Dhexe iyadaa siyaabo badan oo sharci ah faragelin ugu leh.

Arrimahaas oo dhan marka aynu dhan dhigno. Dhanka kale, Inta aynu ognahay Cabdikariim iyo dawladda Dhexe iskuma fiican oo madaxweynaha ugu sarreeya ayaabay isku dhaceen kaddib markii uu ka diiday in uu duqa caasimadda ka dhigo. Haddii ay sidaas tahay waa ay adagtahay in madaxweynuhu uu gacan siiyo duq aanay shakhsiyan isu ogolayn, xisbi mucaarad ahna ka yimi.

Taas waxaa ka dhalan doonta, in Cabdikariim haddii uu duq noqda aanu dawladda Dhexe ka heli doonin iskaashiga shaqo ee aanu la’aantii tallaabo qaadi karin oo ay ka mid yihiin; dhaqaalaha oo laga hakiyo ama lagala daaho iyo guud ahaan Arrimaha aynu soo xusnay.
Sida oo kalana ay dhici doonto in mar kasta uu ku furnaado muran iyo khilaaf golihiisa dhexdiisa ah iyo in hadba kooxi xil baanu ka qaadaynay ay tidhaahdo, dawladda dhexena ku eegto.

Waxa ay taasi curyaamin doontaa Hawlaha laga filayo Cabdikariim, waxa aanay bilow u noqon doontaa khilaafyo joogto ah. Codbixiyaha oo lagu yaqaanno in uu dhaqso u niyadjabo, reer Hargeysa oo maamul xumo dishayna ay ka mid yihiinna dhaqso ayaa ay u bilaabi doonaan in ay ka hor yimaaddaan, una arkaan halyeey ay ku hungoobeen iyo masuul kuwii ka horreeyey dhaamaan. Salaamullaahi calaa xijaaj. Alle kama dhigo.