Guddoomiyaha Guurtida Oo Xildhibaannada Golihiisa Ugu Baaqay Inay Doorasho U Diyaar-garoobaan

0
453
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

“Haddii Golihii Kale Doorasho Galay Idinku Diyaar-garooba, La Isku Soo Dhigaye…”

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, waxaanu Mudanayaasha Golihiisa ugu baaqay inay diyaar u noqdaan Doorashada Golahooda, maadaama sannad kadib loo muddeeyey.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ugu horeyn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Goluhu wacyigelin buu lahaayo, bari iyo galbeedba wuu u baxnay, guushaasna wax baynu ka sheeganaynaa, inagana (qorshaha) inagu dara.”

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu Mudaneyaasha Golahaas ugu baaqay inay doorasho u diyaar-garoobaan “Mar haddii la yidhi nin qayrkii loo xiroow adiguna soo qoyso, haddii Golihii kale doorasho galay idinku diyaar-garooba, la isku soo dhigaye, lix iyo toban sanno ayeynaan doorasho galin, lix iyo toban sanno ayuu jiray golahan hadda kala tagay (Wakiillada)..” ayuu yidhi..

Mar uu ka hadlayey xaaladda dalka wuxuu yidhi “Dalku waa iska barwaaqo, wax colaad oo weyn oo aan arkayaa ma jirto, Ciidamada Qaranku aad iyo aad bay u dadaaleen, mar bay ina yara luleenow, markii aynu baraaruugayna waxay yidhaahdeen waxba ma jiraane iska seexda, aad bay u mahadsan yihiin”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office