Cabdifataax Oo Ka Cudur Daartay Ka Mid Noqoshada Guddiga Cusub Ee Doorashada

0
149

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Aqbalay

Hargeysa(Geeska)-Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Sheekh   oo ahaa  komishineerkii ugu muddo dheeraa Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa waxaa uu  ka cudur daartey kamid noqoshada  mar saddexaad  guddidaas oo la soo magacaabo, iyadoo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Warabe ka aqbalay.

Cabdifataax Ibraahin Sheekh   waxaa uu ahaa  xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen  Gudida Doorashooyinka Somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana waxaa uu noqdey  komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka Somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar saddexaad xisbiga UCID u soo xusho  xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta

Komishaneerka  oo  warqad qoraal ah u gudbiyay gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  waxaa uu ku war galiyey oo uu kaga cudur daartay   in xilkaas loo magacaabo sida ay  ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa aqbalay codsiga Cabdifataax.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.