Cabdillaahi-dheere Oo Madaxwyne Biixi Ugu Baaqay Inuu Soo Dhiso Dawlad Loo Dhanyahay

0
176

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii hore Cabdilaahi Ibraahim Habane, Xoghayaha Guurtidina soo noqday, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay dhismaha dawlad loo dhanyaay saami ahaan.

Cabdillaahi-dheere, oo u waramay  Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo Madaxweynaha Farriin u diraya wuxuu yidhi  “Jamhuuriyad Somaliland oo la wada leeyahay in la dhiso weeye, Jamhuuriyad Somaliland la yidhaahdo oo dadka ka wada dhaxaysa ayaa la doonayaa, Madaxweynuhu wuxuu akhriyey qodobo la saxeexay, qodobadaas uu akhriyeyna waxay ahaayeen todoba qodob, qodob ka mid ahina wuxuu sheegayaa in Dawladnimada reeruhu si siman u qaybsadaan, Cali Khaliifna saddex oday ayaa u saxeexay, anagana laba oday ayaa noo saxeexay, ee Madaxweynaha in la weydiiyo weeye Suldaan Sheekh Muuse oo geeriyooday iyo Suldaan Maxamed Jaamac Samatar oo geeriyooday sababta uu saxeexyadoodu u shaqeeynayo, saxeexii Sheekh Ibraahim iyo Suldaan Saxardiidna ku qaban la yihiin isaga, markaas Madaxweynuhu waa inuu labadaas heshiis ka jawaaba, waxaan se Madaxweynaha leeyahay dawlad loo dhan yahay ayaa loo baahan yahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.