Wiilka Dilay Shimbirkii Dadka Ku Laayay Gaashaamo Oo Ka Waramay Qaabka Uu Shiishka Ula Helay

0
300

Hargeysa(Geeska)-Wiil 14 jir ah oo magaciisu yahay Iid Cawil, ayaa gabal dhicii Jimcihii  deegaanka Maygaag Jiifa ee degmada Gaashaamo ku dilay Shimbirkii duulayay ee dhimashada iyo dhaawaca u gaystay dadka deegaankaas. Shimbirkan ayaa doonayay inuu dilo wiilkan oo geel caraabinayay, laakiin wiilka ayaa iska celiyay oo ugu dambayn dilayn shimbirkii.

Wiilkan da’da yar ayaa Mr. Jaale Saahid Faray oo ka mid ah dhallinyarada Gaashaamo, balse hadda Hargeysa ku sugan, wuxuu uga waramay sida uu u dilay shimbirka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan daba socdey geelayaga, waxaan maqley guux iyo sanqadh weyn.

Dabadeed si dhakhsi ahbaan geed hoostii u galey, cabbaar kaddib ayaan geedkii kasoo baxey, haddana waxaan isha qac ku siiyay bahalkii oo si degdeg ahbaan ugu laabtey geedkii.

Qiyaastii shan goor markaan geedka ka hoos galey, ee aan haddana kasoo baxo markaan waayay ayaanu ugu danbayntii barxad bannaan iska helnay.

Wuxuu usoo duuley dhankayga isagoo labadiisa baal laabtey, jeenyihiisa iyo afkiisana soo dhuubey oo iska soo horreysiiyay, xawaare degdeg ahna ku duulaya.

Labadeyda gacmood baan ka buuxsadey dhabbigii, dabadeed waan u taagey intaan isula gaabiyay, labadiisii baal mid ka mid ah ayaan kala helay oo nasiib wanaag mid ka mid ah way jabtey.

Dhulka markuu u dhacey baan la dul taggey budkii, isagoo dhaawac ah ayuu kolba isku dayaa inuu igu soo boodo oo uu i sigaa kolba. Ugu danbeyntii waxaan budkii la dhacaba wuu dhintay.”

Wiilkii hadda waxuu ku suganyahey degmadda oo dadka deegaanka ayaa xoolo u ururinaya, sidoo kalena waxaa la sheegayaa in ganacsatada qaar ugu ballaan qaadeen geel inay siinayaan.

Hooyadii uu shimbirkani wiilkeeda cuney maaalintii hore oo hore u aragtay, ayaa shalay la tusay, waxaanay sheegtay in bahalku yahay kii ay hore u aragtay.

Dadka aqoonta u leh ayaa shimbirkan ku sheegay Baqayo oo ah Bah-galeydh..

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.