Faysal Cali Waraabe Oo Ka Aqbalay
Hargeysa(Geeska)-Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo ahaa komishineerkii ugu muddo dheeraa Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa waxaa uu ka cudur daartey kamid noqoshada mar saddexaad guddidaas oo la soo magacaabo, iyadoo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Warabe ka aqbalay.
Cabdifataax Ibraahin Sheekh waxaa uu ahaa xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen Gudida Doorashooyinka Somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana waxaa uu noqdey komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka Somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar saddexaad xisbiga UCID u soo xusho xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta
Komishaneerka oo warqad qoraal ah u gudbiyay gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku war galiyey oo uu kaga cudur daartay in xilkaas loo magacaabo sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa aqbalay codsiga Cabdifataax.