Cabdicasiis Samaale Wuxuu Bedelay Maxamed Xaashi, Geeska Afrika Staff Writer

5
602

kan qaadoHargeysa(Geeska)-Isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo shalay ku sameeyay golihiisa xukuumadda, waxa masuuliyiinta uu go’aankaasi saameeyay ee indhaha bulshada soo jiitay ka mid ah xil ka qaadista wasiirkii maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi iyo magacaabista Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Go’aanka uu Madaxweynuhu xilka kaga qaaday Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi, inkastoo aan xilligan la filayn haddana maaha mid la biciidsan karo, waxase dad badan yaab ku noqday magacaabista Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ahaa guddoomiye xigeenka 1aad ee golaha wakiilada. Waxaanay arrimahani keeneen inay bulshadu aragtiyo kala duwan ka bixiso saamaynta labadan masuul.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo muddadaas ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay ahaa wasiirka maaliyadda, wuxuu kor u qaaday miisaaniyadda qaranka oo uu odoroskeeda gaadhsiiyay heer wanaagsan, taas oo sababtay in mushaharaadka loo kordhiyo ciidamada iyo shaqaalaha iyo weliba in lacagta waxbarashada laga daayo dugsiyada dawladda ee hoose dhexe, waxaana la xasuustaa in qodobada keliya ee uu Madaxweyne Siilaanyo ilaa hadda ku faanaa yihiin kuwa ka soo maaxday Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi. Hase yeeshe arrimahan waxa barbar socday khilaafaad u dhexeeyay wasiirka maaliyadda iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee aadka ugu dhowdhow Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo mar sababtay inuu warqad istiqaalad ah u gudbiyo Madaxweynaha balse laga diiday. Waxyaabaha wasiirul maaliyaha la aaminsanyahay in laga raacay waxa ka mid ah amaro maaliyadeed oo uu dhawr goor is hortaagay, wasiiro ay isku khilaafeen arrimaha miisaaniyadda darteed, kuwaas oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo u sheegi jiray inuu wasiir Maxamed Xaashi maamulka barbar socdo ee aanu la socon, waxaana la aaminsanyahay inay waxyaabahani keeneen inay shalay seeftu la tagto.

Laakiin marka laga hadlayo maamul wanaaga dhinaca dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa wuxuu Wasiir Maxamed Xaashi ugu suntanaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo calaamad wanaagsan, waxaana la aaminsanyahay inay u dhutin doonto.

Guddoomiye xigeenkii 1aad ee golaha wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo shalay loo magacaabay xilka wasaaradda maaliyadda, ayaa wuxuu muddo lix sannadood ku siman soo hayay xilka guddoomiye xigeenka Wakiilada, ka horna wuxuu ahaa bare jaamacadeed. Laakiin Cabdicasiis Samaale, wuxuu hadda u muuqdaa inuu qabtay xil culus oo baaxad iyo miisaan leh kaas oo uu ka dhaxlay masuul la aaminsanyahay inuu xilkiisa sidii ugu haboonayd uga soo baxay. Ninka uu Wasiir Samaale xilka kala wareegayo oo ah Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu miisaaniyaddii kal hore ku daray arrimo muhiim ah oo aan hore ugu jirin, sannadkana wuxuu miisaaniyadii hore baro-dheereeyay ugu yaraan 30% oo ay ku jiraaan balanqaadyo muhiim u ah arrimaha bulshada oo ay ugu horeeyaan arrimaha caafimaadku, waana kuwo laga sugayo inuu Wasiir Samaale kaga dhabeeyo islamarkaana uu miisaaniyadda inteeda badan ama gebi ahaanba soo wada xareeyo. Marka aad shaqada ka dhaxasho masuul hawshii loo igmaday si hufan uga soo baxay waxa keliya ee lagaa sugayaa waa inaad sii baro dhaafiso, haddiise aad halkii dhaafin weydo amaba aad hoos uga dhacdo waa ceeb kuu soo hoyatay. Laakiin Md. Samaale oo marka laga hadlayo xil qaran qabtay guddoonka golaha wakiilada oo go’aamadiisa lagu gooyo fadhi iyo hadalo, wuxuu hadda waajahayaa shaqo culus oo u baahan fikir iyo dedaal dheeraad ah.

Arrimaha kale ee magacaabista Samaale ay dadka soo xasuusisay waxa ka mid ah hankiisii uu dhawr jeer ku soo bandhigay inuu ku doonayo hoggaaminta qaranka Somaliland oo ay dadka qaarkii aaminsanyihiin inuu hoos u dhigay mar haddii uu ka tanaasulay kursiga guddoomiye xigeenka golaha wakiilada oo awood distoori ah lahaa, laakiin dad kale ayaa aaminsan inuu ku sii dhawaaday jaan goynta talada dalka halkii markii hore uu ka ahaa sharci dejin.

Si kastaba ha ahaate, Md. Cabdicasiis Samaale, waxa la odhan karaa wuxuu ogolaaday inuu qabto xil  hadba sida uu uga soo baxaa ay calaamad u noqon doonto mustaqbalkiisa siyaasadeed, waxaanay inta badan ee bulshada Somaliland u dheg taagaysaa halka uu Samaale xilkaas kala dhaco.

Comments are closed.