Cabasho Xoogan Oo Ku Socota Xoghayaha Dawlada Hoose

0
569

Waxa ay warbixintanu  ku saabsan tahay dumis la doonayo in la dumiyo  ama la doonayo in aan wax horumar ah laga sameyn degmada   Axmed Macalin Haaruun,  sida aad ka warqabtaan waa degmo ka mida sideeda degmo ee ka dhisan magaalada Haregysa. degmada waxa ku dhaqan ama ku nool bulsho aad u badan  waxa ay bixiyaan  wax kasta oo dowladu  ay ku xukunto sida cashuuraha. 

Qof kasta oo muwaadin ah waa ku waajib inuu bixiyo caashuurta,   iyadoo ay sidaasu jirto  oo ay dadweynuhu hoo iyo hiilba ay la garab taagan yihiin  qarankooda jecelna dhisitaanka wadankooda Bulshada  ku nool degmadaas waxa ay aad iyo aad uga cabanayaan maamul xumo kaga soo wajahday maamulka degmada . waxyaabaha  ay kaga cabanayaana waxa ka mid ah musuqmaasuq ,isdaba marin wada shaqeyn la”aan  iyo waxqabad la’aan.

Ugu danbeyntiina  maalintii  18 may  waxa ay ahayd maalin qaran  oo wadanka  meel kasta  looga dabaal deggay,waa maalin qaran  qofkastana looga baahan yahay inuu ka qayb qaato xuska  18 may  balse  bulshada degmadu  markay  usoo diyaar garoobeen ka qayb qaadashada  xuska  waxa dhacday  in sidey u hor fadhiyeen degmada horteeda  in duhur loogu adimay, halkaas oo ay dadkiina ka niyad  jabeen maamulkoodii markii ay ka soo hor wareegi waayeen una sheegeen  inay  u iman doonan bale aaney u iman.

Waxaan goobta ka dhacday nabad galyo xumo aad  u ba’an, ugu danbeyna waxa aanu baaq u diraynaa maayirka iyo xooghaya fulinta dowlada hoose inay arrinkaa wax ka qabtaan  si degmadu ay horumar u samayso dadkeeduna isugu duubnaado.      

Cabdicaadil Ibraahin Xuseen.