Maalinta Is Xasuusinta Dhaawaca Isku-Furanka Oo Hargeysa Laga Xusay

0
544

Picture1Hargeysa(Geeska)-Maalinta  is xasuusinta  dhaawaca Isku-Furanka haweenka qaar ku dhaca wakhtiga dhalmada,ayaa laga xusay Somaliland. Waxaana loogu baaqay haweenka dhibtani ay la soo daristo inay gaadhaan Cisbitaalada si gar-gaar loogu fudiyo waxna looga qabto dhibta soo gaadhay.

Marwo Adna Adan Ismaaciil oo xuskan soo qaban qaabisay, ayaa sheegtay in dhib xoogani ay haweenka ka soo gaadhi jirtay hadii xanuunka isku furanku haleelo wakhtiga dhalmada, waxaanay sheegtay in dilaacaas lagaga badbaadi karo iyada oo haweenayda umulaysaa hesha qof aqoon u hel dhalmada oo si fiican uga dhalin kara hadii dhibi ka dhalato dhalmadana wax ka qaban kara. Waxaanay ugu danbaytii ugu baaqaday haweenka inay cisbitaalada gaadhaan hadii ay dhibkaas la kulmaan.

Marwo Adna Adan oo furitaankii xuskan hadal ka jeediysay waxa ay tidhi “ Waxaan doonayaa in aynu ka  hadalno arin dhibaato iyo dhaawac u gaysata haweenka lana xidhiidha dhaawaca haweenka ka soo gaadha marka ay dhalayaan, bulshadu  waxay ku nooshay qoyskaas iyo ubadka ay isku dhalaan iyo caafimaadkooda,  kal-gacalkooda iyo heshiiska ka dhaxeeya, laakiin hadii mid ahaan dhibaato ka soo gaadho meel farxad laga filayay waxay noqotaa mid acuudi bile, waxa uu noqdaa mid uu reerkii ku burburo quyskiina wanaagii iyo farxdii burbur ka soo gaadho.” Adna Adan oo hadlkeeda sii wadataa waxay tidhi “ Sidaas darteed waxaynu doonaynaa inaan ka hortagno oo wax ka qabno dhibaatadaas dumarkeena ka soo gaadhaysa dhalmada, sidaynu uga hortagi karnaa? waraabe haday tahay ood weyn ayaynu ka moosanaa, dhibaatadan ta aynu wax kaga qabanaynaa waxa weeye iyada oo ay helaan dad farsamadii dhalmada garnaaya oo ka dhaliya,hadiiba alle dhaawac ku keenana dad farsamadii ganaaya oo dhibtii ka hagaajinaaya oo meeshii dilaacday wax ka qabnaaya in la helo. Nasiib wanaag wadankeena maanta waxa jira cisbitaalo,aqoonyahano iyo dhakhaatiir dadkeenii ah oo wax baratay oo farsamdii alle gacanta u galiyay, dhawr boqol oo haween ah  iskuna faruurmay oo noo soo magan galay oo lacag la’aan lagu  hagaajiyay ayaa buuxa, maalinkastana waxaad maqashaan anaga oo warbaahinta uga yeedhayna oo leh kaalay hadii dhibtaasu ku soo gaadho diyaarbaa laguula yahay in wax lagaala qabo, anaga ayaa dheecaankaaga iyo wax kasta diyaar u ah inaanu wax kaala qabno. Albaabkayguna waa uu kuu furan yahay wakhtiga oo dhan.”

Dhaawacan isku furanka ee haweenka qaar ka soo gaadha  dhalmada caruurta ayaa dhib weyn ku haya dalalka saxaraha  ka hooseeya, waxaana wakhtiyadan danbe Somaliland ka hirgalay daawayn xoogan oo loo fidiyo haweenka dhibtaasu ay soo gaadho oo wakhtiyadii hore la kulmi jiray dhibaato xoogan.