Carwadii Sacadadiin Oo Si Rasmi Ah Loo Furay

0
809

cadadHargaysa ( Geeska )- Carwadda Dharka ee Sacadadiin ayaa soo bandhigtay qiimo dhimis ay ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee ay ka gooban yahiin alaabooyinka ay iiboso carwadaas.waxaanay ku baaqeen masuuliyiinta caradaas inay dadweynuhu ka heli doonaan dhamaan dharka qaybihiisa kala duwan.

Carwadan Sacadadiin u soo bandhigay dadweynaha Somaliland ayaa  lagu qabtay xaruntoodda weyn ee ku taalla galbeedka Magaaladda Hargeysa, agagaarka buurta kala jeexan. halkaas oo si weyn aay ugu soo bandhigeen dhamaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay ganacsiga carwada Sarwadaas.

Maamulaha guud ee Sacaadadiin Cabdiraxmaan Axmed Ciise ayaa dadweynaha Somaliland ugu bushaareeyey carwadan ay u soo bandhigeen, isagoo dadweynaha u sheegay in qiimo dhimis loogu sameeyey qaybaha kala duwan ee alaabooyinka.

Carwadan ayaa lagu soo bandhigay dhar iyo Kabo aad u tayo sareeya oo ka kooban dhamaan qaybaha bulshadda sida dharka  caruurta, dadka waaweyn, dhalinyaradda iyo Haweenka.

Sidoo kale waxa carwadda lagu soo bandhigay qaybtiisa kale ee Guryaha sida Hurdoooyinka, Fadhiyadda iyo guud ahaan quruxda guryaha iyo xafiisyadda, taas oo lagu keenay noocyadii u dambeeyey iyo kuwii raaxadda.