Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ceel-Afweyn

0
704

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay dadkii lagu laayey Deegaanka Ceel-afweyn, waxaanu ku baaqay in aad looga feejginaado fidnada iyo dhiiga daadanaya.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dhiiga biniaadamka oo bilaa sabab lagu daadiya ALLE wuu inaga xarimay, gaar ahaan dhiiga muslimka, haddii maalin walba dhiiga muslimka sabab la’aan lagu daadiyana waa ayaan daro, ee waxaan anigu ku baaqayaa in aad looga feejignaado dhiig dambe oo bilaa sabab loo daadiyo iyo dad dambe oo bilaa sabab loo laayo, fidno hurudana cidii kicisaa iyada ayaa dhiban if iyo akhiraba, ee ALLE ha loo soo noqdo, oo ALLE ha laga cabsado, oo wax inaga xaarana ah yeynaan xaalaal ka dhigan, labadan beelood ee wada dega Ceel-afweyna, waxaan ugu baaqaya in aanu shaydaanku ka faa’iidaysan, ee walaaltinimadooda ha ilaaliyaan, oo sidii loogu soo gurmaday iyo waan-waantii iyo heshiiskii dhexdooda la dhigay ha ilaaliyaan, oo ha isku duubnadaan, maalimo khayr leh ayeynu ku jirnaa, ee yeynaan khayrkaas iskaga ciyaarin”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here