Maxamuud Xaashi oo madaxweyne biixi ugu baaqay inuu fuliyo balan-qaadyadii ololihii doorashada

0
607

 

Hargeysa(Geeska)- Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu fuliyo balan qaadyadii uu xilligii ololaha doorashada umadda u sameeyay.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay khilaafka xukuumada iyo xisbiyada waxaanu sheegay in lagu qasban yahay in dalka doorasho ka dhacdo meeshana laga saaro kala fogaanshaha bulshada ee haatan muuqda, Maxamuud Xaashi ayaa sidan ka sheegay laba kulan oo isku xigay oo uu kala hadlay jaalida Somaliland ee dalka Jarmalka oo uu gaadhay.

Ugu horayntii Maxamuud Xaashi oo arimahan ka hadlaayay waxa uu yidhi“ Kulankan sagootiska ah madaxda xisbiga Kulmiye  laanta dalka Jarmalka waan uga mahadcelinayaa, mar labaad waxaan iyagana u mahadcelinayaa  madaxda jaaliyada Somaliland ee dalka Jarmalka. Ccid uunbay guushu raaci lahayd  xisbiyada qarankuna waa ay tartamayeen haddii Kulmiye guulastay maanta abaalgudka aad leedihiin maaha wax gaar ah oo laydin siiyo ama wax gaar ah oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenkii aan dooranay ay  ay ina siiyaan  hadaan nahay reer Kulmiye ka fili mayno, waxa abaal gud inoo ah  dhamaanteenba Maaxweyne Muuse Biixi Cabdi  iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil Saylici  in xilka aynu u dooranay iyo barnaamijka xisbiga ee aan dadka ka iibinay inay sidiisa u fuliyaan  taas ayaa inoo abaal gud ah  iyaguna waa ay ku ceeb baxayaan  inagana waxay inoo noqonayaan magac iyo sumcad, Kulmiyena taas ayaa u shafeeco qaadaysa  hadii xilkaas ay ku guulaystaan iyo masuuliyadaas aynu qaadnay  ee iyagu inoogu odayasha ahaayeen  Kulmiye magacna waa helayaa  barina wax uu badka la yimaado ayuu helayaa hadaan ku fashilano  in aan ku guulaysano arinkaas  alle kama dhigee  markaas taas shacbiguna waa uu inagula xisaabtamayaa, xisbi qarana waa nahay oo barina cod iyo dad ayaynu u baahanay, abaal gudka aan sugaynaa waa kaas  inaan waxii fulino.”

Waxa uu  ka hadlay siyaasi Maxamuud Xaashi khilaafka siyaasadeed “ Imika khilaaf siyaasadeed ayaa jira  oo walwal badan laga yaabo inuu idinku hayo kuwo ka adag ayaa ina soo maray waa inaan taariikhdeena dib u darisnaa ta dunidana u darisnaa, waxa ina soo maray dharaaro adag oo qof walba dhulku la dhaqdhaqaaqay  oo madfac iyo hoobiye uun laysku ridaayo oo caqli wax xaliyaaba aanu jirin, maanta waan wada hadlaynaa  khilaafbaa jira  qarin mayno dafirina mayno, hadaad aragto gar go’iwayday Soomaalidu waxay tidhaahdaa  ama halbaa ku dheeraad ah ama halbaa ka dhiman, markaas xaajadan maanta waa xaajo hal ku dheeraad yahay ama hal ka dhiman yahay.”

Ugu danbayntii waxa uu sheegay in loo fadhiyo in dalka ay doorasho ka qabsoonto “ Arimahan khilaafyada waxaynu baahanahay in aanay khilaafyada siyaasadeed aanay colaad ina dhex dhigin, adinkana aanay idin qaybin waa afkaar,dalka midnimadiisa iyo wada jirkiisa waa ku waajib inuu ka shaqeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi cida ugu horaysa ee lagala xisaabtamayaana waa isaga, waxa ku xiga guddoomiye Cabdiraxmaan iyo guddoomiye Faysal  masuuliyad weyn ayaa ka saaran umadda wada jirkeeda hadaanay ka shaqayn wada jirka umadda  ileen waa madaxdoone  iyaguna bari madax noqon kari maayaan, waa in khilaafaadkan laysaga soo dhawaadaa  dalkana waa inay doorasho ka dhacdaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here