Caanaha, Malabka, Saloolka Iyo Cuntooyin Kale Oo Khatar Ku Ah Caafimaadka Ubadka

0
1092

Warbixin caafimaad oo dhowaan lagu faafiyey Shabakadda ‘Bright Side’ ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa shaaca ka qaadday in jiraan cuntooyin badan oo aynu si joogto ah u isticmaalno, innaga oo u aragna in ay wax ka tarayso caafimaadka, laakiin aan ka warqabin in ay jiraan daraasado cilmiya oo muujinaya in ay khatar ku yihiin caafimaadka carruurta yaryar. Waxaa ka mid ah;

Sharaabka qasacadaysan

Akademiyadda caafimaadka carruurta ee dalka Maraykanka ayaa talooyin ay ka soo saartay cuntooyinka carruurta ku sheegay in cabbitaannada qasacadaysani aanay u fiicnayn caafimaadka carruurta aan hal sano ka weynayn. Iyada oo carruurta hal sano ka weyna lagu talinayo in xaddi aad u yar laga siiyo cabbitaannadaas.

Khubaradu waxa ay sheegeen in maaddooyinka lagu sameeyo sharaabadani ay carruurta ku keeni karaan sumow iyo in ay raad taban ku leeyihiin habdhiska neerfaha ilmaha, waxaa intaas dheer in sharaabkani uu ilmaha ku keeno suuska ilkaha.

Waxa ay khubaradu ku talinayaan in carruurta la siiyo sharaabka dabiiciga ah.

Saloolka lagu sameeyo furinka korontada ku shaqeeya

Saloolka lagu sameeyo mishiinka moofada ah ee laydka ku shaqeeya ayaa ay khubaradu sheegeen in uu khatar ku noqon karo caaimaadka carruurta. Waxa ay khubaradu si gaar ah uga digeen in bacaha kiishka ah ee loo adeegsado saloolkaasi ay sababi karaan in maaddooyin kiimikaad ee bacda ku jira, oo marka ay kululaadaan ay dhici karto in ay saloolka la falgalaan.

Dhinaca kalana waxa ay khubaradu ku taliyeen in dufanka loo adeegsado saloolista laga dhigo saliidda saytuunta oo ay sheegeen in ay caafimaadka u fiican tahay.

Malabka iyo carruurta hal sano ka yar

Malabku caafimaadka waa uu u fiican yahay, laakiin khubarada caafimaadku waxa ay sheegayaan in ay malabka ku jirto bakteeriyo aan u fiicnayn caafimaadka carruurta ka yar hal sano, oo ay sheegeen in ay dhaawac gaadhsiiso habdhiskooda difaaca. Iyo in bakteeriyadaasi ay ilmaha ku keento dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca neefsiga ah. laakiin haddii da’da ilmuhu ay hal sano dhaafto waa la siin karaa malabka.

Tamaandhada qasacadaysan (Ketchup) iyo nooc kasta oo cunto qasacadaysan ah

Cuntada qasacadaysan marka ay warshaddu samaynayso ama cuntada cabbaynayso waxaa inta badan la falgala ama raaca isku dhiska loo yaqaanno ‘Bisphenol A’ oo inta badan ku jira inta badan ee maaddooyinka wax lagu dahaadho ama daboolo, gaar ahaan kuwa cuntada lagu qasacadeeyo.

Maadadda ‘Bishphenol A’ ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay khatar ku tahay caafimaadka carruurta, saamayn aan fool xunna ku yeelato habka koritaanka ilmaha.

Haddaba talada ay khubaradu ina siinayaa waa in aynu carruurta ka deyno cuntooyinka qasacadaysan guud ahaan, haddii ay ka fursan weydana ayn si gaar ah u raadsanno kuwa weelka ay ku jiraan uu quraaradda yahay, gaar ahaan tamaandhadaha Ketchup ka, maadaama oo weelka caagga ahi uu si sahal ah ula falgeli karo cuntada.

Xanjada

Calaalinta xanjadu waa arrin aan caafimaad ahaan loo ogolayn carruurta. Sababta koowaad waa xanjada oo lagu sameeyo sonkor aad u badan, taasina ay sababto in ay dhaqso suus ugu keento ilmaha. Waa run in ay jiraan noocyo xanjada ka mid ah oo aanay sonkori ku jirin, ama dusha sare ka akhriyeyso in aanay sonkori ku jirin, laakiin ogoow in sonkorta halkeedii loogu beddelay maadadda Sorbitol oo keenta shuban.

Khatarta kale ee ay xanjadu ilmaha u leedahay waxa ay ka imanaysaa ilmaha oo liqa xanjada, sida inta badan ay carruurtu sameeyaan, taas oo khatar ku ah caaimaadka ilmaha, maadaama oo ay keeni karto neefta oo ilmaha ku istaagta, iyo habdhiska dheefshiidka cuntada ee ilmaha oo xidhma.

Baradhada shiilan ee qasacadaysan (Chips)

Baradhada qasacadaysan ee Jibiska loo yaqaanno oo ay carruurtu aad u jeceshahay cunitaankeeda ayaa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in leedahay dhibaatooyin caafimaad oo inta badan ka imanaya qaab samayska hore ee cuntadan iyo xaddiga milixda iyo dufanka ee ku jira.

Baradhadan oo ay khubaro badani aaminsan yihiin in samayskeeda aanay baradhaba ku jirin, sidaa awgeed ay qalad tahay in dadka qaar u fahmaan baraasho, ayaa ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegayaan in ay carruurta ku keento dhiiggooda oo inta dabiiciga ah kor uga kaca, dhagaxa kelyaha ku samaysma iyo miisaan aad dabiici ahayn oo ay ku kordhiso.

Xeeldheereyaashu waxa ay waalidka kula talinayaan in haddii carruurtoodu ay jecelyihini baradhadan ay sida ugu fiicani tahay in guriga loogu samyo, iyada oo ay si gaar ah u fiican tahay in samayskeeda loo adeegsado furinka halkii laga shiili lahaa.

Biidsada

Biitsadu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka ugu shacbiyadda badan adduunka, lnkasta oo ay ka mid tahay cuntooyinka beergarradu ka mid yihiin ee laga digay in ay miisaanka kordhiyaan, waxaa hadda soo baxaysa khatar kale oo ah in aanay u fiicnayn caafimaadka carruurta. Sababahana wawxaa ka mid ah dufanka oo ku badan, milixda dheraadka ku ah iyo qaabka loo sameeyo. Waxa kale oo ay ka mid tahay cuntooyinka halista u ah in lagu sameeyo walxo falgal kiimikaad keeni kara iyo maaddooyin kala duwan, sidaa awgeed aanay fiicnayn in ugu yaraan meelaha ganacsiga ah laga cuno.

Caanaha aan la karkarin

Caanaha xoolaha ee aan karkarsanayn ayaa ay khubarada caafimaadku ay sheegayaan in ay khatar caafimaad u leeyihiin carruurta, maadaama oo ay ku jiri karaan noocyo kala duwan oo dulin ili maqabatay ah iyo bakteeriya gaar ahaan E-Coli oo marar badan carruurta iyo xtaa mararka qaarkood dadka waaweyn ku keenta sumow dhiigga ah oo aad u khatar badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here