Xildhibaan Nacnac Oo Ku Baaqay In Dalku Yeesho Xadhig Internet Oo Djibouti Ka Madaxbanaan

0
629

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka digay in cid gaar ah loo xidho kooto, waxaanu si gaar ah fariin iyo talo ugu diray Madaxweyne Muuse Biixi.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tabashada reer Awdal iyo Shir la filayo inay qabsadaan Beelaha Arab, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweynuhu waa kii dhawaan qabtay dalka Jabuutii, ee aynu jaarka nahay, oo aan runtii u arko inay Muqdisho aad u taageerto, madax banaanideenana aanay raali ka ahayn, sidaas darteed wax faafaahin ah oo la inaga siiyey socdaalka Madaxweynaha ee Jabuuti ma jiro, sababta dhabta ah ee uu socdaalkiisana si dhab ah looma sheegin, laakiin sida la sheegayo wuxuu u tagay arinta Cable-ka, waxaan se ka digayaa in inagoo leh Berbera, in Wadan kale uu inaga jaro  Cable-ka, in la siiyo oo la iskaga dhaadhiciyo maaha,  waxaan leeyahay Berbera ayeynu leenahay, ee in cable-ka Berbera la diido, cable wadan kale inooga imanaya la ogolaadana waa sharci daro,ee Madaxweyne in suuqa cid gaar ah loo xidho, oo danaheena wadan kale u daba fadhiisano maaha, kamana yeelayno”

Mar uu ka hadlaayey tabashada reer Boorama ayaa yidhi “Haddii ay Shacabka Awdal iyo Salel, wax sheegtaan, oo saami-qaybsiga saluug ka muujiyaan xaq bay u leeyihiin in tabashadooda la dhegaysto, laakiin in la iska indho tiro xaq looguma laha”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here