Caalim Caan Ku Ah Cilminafsiga Ayaa Soo Saaray 22 Qodob Oo Nolosha Qofka Ku Dhaqma Wax Ka Beddelaya

53
4917

London (geeska)- Mikhail Litvak waa caalami ku xeeldheer cilminafsiga oo qoray 30 buug oo ka warramaya noocyada kala duwan ee cilminafsiga, gaar ahaan qaybaha taabahana nolosha maskaxeed ee aadamaha iyo habdhaqankiisa. Buugtaas oo isku darkooda laga daabacay in ka badan 5 Milyan oo nuskhadood, waxaa u dheer qodobbo iyo qoraallo cilmiyeedyo  uu kaga waramay aqoonta la xidhiidha dabiibka nafsiga ah iyo cilmi nafsiga.

Qormadan oo aan ka soo xigtay degelka internet ka ee Daily Positive Information, waxa uu Mikhail Litvak oo aad loogu aqoonsanyahay in uu ka mid yahay culimada ugu miisaanka culus cilminafsiga, gaar ahaan qaybihiisa caafimaadka maskada, ayaa soo jeediyey 22 qodob oo fure u noqon kara in qofku uu nolosha guulo ka gaadhi karo iyo in uu wanaajiyo xidhiidhadiisa.

  1. Haddii tallaabooyinka aad qaadayso oo dhami yihiin kuwo si fiican loo qorsheeyey, mar walba farxad baa ladhnaan doonta.
  2. Dadka ka qaangaadhka ah iyo ka aan qaangaadhka ahayniba waxa ay leeyihiin aqoon. Laakiin kuwa aan qaangaadhka ahayn dhibta haysataa waa in aanay garanayn sida loo dhaqangeliyo aqoontaas, halka ka qaangaadhka ahi uu aqoontiisa ka isticmaalo una beddelo ficil. Waana taas sababta, shaqada keliya ee uu ka aan qaangaadhka ahayni qaban karaa u noqotay in uu cid kale oo kasta dhaliilo.
  3. Baro in aad naftaada u noolaato. Haddii kale, waxa aad mar kasta ku jiri doonta uun dadaal aad dadka ugu caddaynayso qofnimadaada, iyaga ayaana aad u noolaan doontaa.
  4. Qofna qof ma dhayalsan karo, waxa keliya ee la is dheeryahay waa in ay dadku kala tallaabo dheer yihiin, qaarkoodna hore dhaqso ugu socdaan.
  5. Haddii aad riyo maalmeed doonayso, inta aad fadhiisato sawiro uun gaadhista waxyaabaha la taaban karo, iyo higsiyada la gaadhi karo. Waa sida ugu fiican ee aanu hankaagu ku jabayn.
  6. Qof kasta ma raalligelin kartid, haddii aanad iska deynin doonistaas ah in aad qof kasta raalligelisana, waxa aad naftaada u diyaarinaysaa guuldarro weyn.
  7. Intii aad waqtigaaga ku lumin lahayd qof maangaab ah, waxa aad waqtigaaga ku maalgashataa buug. Isagaa cilmi iyo maaweelo labadaba noqon kara.
  8. Qofkii naftiisa wax uu ku ammaano waayaa, waxa uu bilaabaa in uu dadka kale dhaliilo. Weliba waa marka aanay haynin wax badan oo ay ka hadlaan.
  9. Aragtida aaminsan in uu farqi u dhexeeyo maangalnimada laba iyo dheddiggu, waa aragti aan iyada laftigeedu maangal ahayn. Keliya aadamuhu iyaga oo isku jira ama garaad baa uu leeyahay ama ma’ laha).
  10. Haddii ay dadku isku dayaan in ay ku dareensiiyaan in aad dembiile tahay, ama caawimadooda aad abaal ku qabto, waxaa fiican in aad joojiso adeegga aad u hayso oo aad u ogolaato in ay iska tagaan.
  11. Qofka naftiisa uun qanciyaa, uma arko in uu u baahan yahay in dadka kale wanaaggiisa arkaan.
  12. Cadowgaaga ugu weyni ma’aha qofka hadhka isku qarinaya, ee sugaya uun in aad simbiririxooto. Balse cadowgaaga ugu weyni waa adiga naftaada oo isku cadow ah. cadawgaas in aad waajahdaana runt ahaantii aad baa ay u adag tahay.
  13. Haddii aad tahay dadka aan iska deyn karin qodqodista warka iyo dhacdooyinka, ku dadaal in aad qoddo faahfaahinta Falsafadda ama sayniska. Laakiin iska jir in aad qoddo dadka kale iyo arrimahooda.
  14. Inta aad hawsha waddo, cayda iyo dhaliilsha dheg ha u dhigin. Waayo, marka aad ugu dambaynta gaadho ujeedkaaga, wax aan guushaadaa ahayn oo macno lihi ma jiri doono.
  15. Haddii uu jiri shay aad si dhab ah u doonayso, ha ka sugin in uu xaglo laaban kuugu yimaaddo, cidna ha uga fasax qaadan in aad raadsato, laakiin isku day in aad noqoto qofka shaygaas maamulkiisa isaga looga dambeeyo.
  16. Farxaddu ma’aha shay baacsasho lagu gaadho. Lagama helo bannaanada iyo meel baydhsan oo kale midna. Waxa ay ku timaadda guntaada hoose, waxa keliya ee lagu helaana waa in aad barato qanacsanaata iyo ku raalli noqoashada waxa aad hayso.
  17. Waa shaki la’aan in la hadalka saaxiibbadu uu wax fiican yahay. Laakiin marka aad dadka kugu cadowga ah la sheekaysato, ayuun baad wax badan oo cusub baran kartaa. Gaabis iyo iin ba waa aad leedahay, in aad ogaato iimaha iyo in aad ceebahaaga aragtaana waa waxa ugu yar ee aad cadowgaaga ka baran karto. Sidaa awgeed marar badan in aad warka cadowgaaga dhegeysato ayaa ka fiican in aad saaxiibkaa dhegeysato.
  18. Niyadjabka iyo murugadu ma fiicna, waa xaalad aadag oo cabsiyi ku xeerantahay. Laakiin haddana waa fursad, aad ka baranayso bal in aad naftaada dib ugu noqoto oo aad aad hoos isugu eegto. Waa dersi aad ka baran karto in aad dib u qiimayso waxa horusocodkaaga dhiirrigelinayey iyo sababaha dib u dhaca kugu keenay.
  19. Haddii aad xaasley tahay ama xidhiidh ruux la wadaagto, ku dadaal in uu dareen kalgacal iyo jacayl ku dhisnaado, haddii uu sidaa noqon waayo, ogoloow in uu noqdo xidhiidh jaal nimo iyo danwadaag ku dhisan, laakiin weligaa ha doonin in aad xidhiidhkaas goyso. Laakiin waa haddii aanad dareemin in koritaankaaga iyo horumarka nolosha aad ka samaynaysaa u curyaamayaan, ama in aanad hor u dhaqaaqi karin inta aad xidhiidhkaas qayb ka tahay.
  20. Marka aad qof la hadlayso, ha baqan, ilnugaylkana iska ilaali. Sidaas ayaa ah sida keliya ee ay male fiican iyo sawir wanaagsan uga qaadan karaan qofnimadaada.
  21. Haddii aad kelidaa tahay, gaar ahaan marka jacayl kaa burburay dartii wehel la’aan aad dareento, waxa aad u qaadataa in uu yaha ydareen ku baraya in aad ruux ahaan qaangaadh tahay. Kuna xisaabtan in gooni noqoshadu ay leedahay dhinac fiican oo ah in waxsoosaarkaagu kordho (In aad shaqo badan qabato).
  22. Weligaa aad ha u noqon danayste naftiisa uun farxadda ku kooba. Ogow in farxaddaada oo aad saaxiibbadaa la wadaagtaa ay iyaga farxad u tahay, adigana sii badinayso uun dareenkaaga farxadeed. Dhammaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here