Caafimaadka iyo Shaaha lagu sameeyo kulaylisada iyo ka lagu kariyo koobka Shaahada ee Korontada ku shaqeeya

0
710

London (Geeska)- Warbixin caafimaad ayaa daahfurtay in shaaha lagu kariyo furinka (Moofada ku shaqeeya), ayaa ka caafimaad fiican shaaha lagu kariyo kululaysada.

Dr. Juan Voong oo ah caalim ku xeeldheer nafaqaynta oo u dhashay dalka Ustareeliya ayaa sheegay in shaaha lagu kariyo furinku (Microwave) uu caafimaad ahaan aad uga fiican yahay, shaaha lagu sameeyo Koobka laydhka la geliyo. Voong waxa uu sheegay in Furinku (Macrowave) uu Shaaha u ilaaliyo boqolkiiba 80 isku-dhisyada Bayooloji ee waxtarka leh, sida Caffeine, Polyphenols iyo Thiamine oo dhammaantood ah maaddooyin faa’idooyin leh oo ku jira shaaha kiisa cas iyo shaaha cagaaran labadaba.

Polyphenols waxa ay liddi ku tahay mariidka/sunta jidhka ku jira, sidaa awgeed waxa ay yaraysa khatarta xanuunnada la xidhiidha xididdada dhiigga, dhiigkarka, kor-u-kaca Kalastaroolka iyo macaanka, halka maadadda Thiamine ay ka mid tahay asiidhada Amino loo yaqaanno oo nafisiya acsaabta, qofkana geliyo shucuur deggenaanshiyo.

Voong waxa uu ku taliyey in ay fiican tahay in maalintii la cabbo inta u dhexeysa laba illaa saddex koob oo shah ah, shaaha cagaaran iyo ka cas midka uu doono ha noqdo e’ si looga dheefo faa’idooyinkaas caafimaad ee aynu soo xusnay, isaga oo ka hadlaya sida ugu habboon ee loo karin karana waxa uu intaas ku daray, “Waxaa fiican in biyaha oo kulul lagu shubo koobka, kadibna shaaha lagu daro, kadibna la geliyo Furinka (Microwave) oo lagu daayo muddo 30 ilbidhiqsi ah, kadibna inta aan la cabbin la daayo muddo 1 daqiiqo ah si uu u yara qaboobo”

Voong waxa uu sheegay in shaaha oo habkaas loo diyaariyaa ay u samayso dhadhan ka fiican ka uu yeesho marka lagu sameeyo koobka laydhka ku shaqeeya ama kildhiga dabka lagu kariyo.