Caadooyin Xirfad Darro Astaan U Ah Oo Cidda Kugu Aragtaa Aanay Jeclaysanayn (Qaybta:1aad)

0
901

Hargeysa (Geeska)- Maadaama oo xidhiidhka bulshadu uu muhiim u yahay gudashada dhammaan waajibaadka shaqo ee qofka saaran, waxaa qasab noqonaysa in aynu wax iska weydiinno caadooyinka iyo habdhaqannada laga yaabo in dadka aynu la macaamilaynaa dhibsadaan ama sababa in ay qalad ka fahmaan shakhsiyaddeenna.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah caadooyin ay qortay shabakadda caanka ah ee Business Insider oo ay qoraaga Rachel Gillette ku soo bandhigayso caadooyinka aan mihnadda iyo xafiiska ku fiicnayn ee dadka kugu xeerani dhibsan karaan.

Habsan Shaqada: In qofku caadaysto shaqada oo uu goor dambe yimaaddaa waxa ay ka mid tahay habdhaqannada calaamadda u ah xirfad darrada qofka, si isku mid ahna ay u necebyihiin masuuliyiinta qofka shaqada uga sarraysa iyo shaqaalaha uu maamulayaa.

Ka dib-dhaca waqtiyada shirarka: Qoraaga Vicky Oliver ayaa buuggeeda caanka ah ee ‘301 Smart Answers to Tough Business Etiquette Questions’ ku sheegaysa in qofka oo shirarka yimaadda waqti ka dambeeya ballantu, ay calaamad u tahay in aanu xushmaynayn dadka shirka ka qaybgelaya ee iyagu ilaaliyey ballanta, iyo sida oo kale dadka shirka soo qaban-qaabiyey.

Is bukaysiinta: In qofku mar kasta isu muujiyo bukaan iyo in xaaladdiisa caafimaad aanay fiicnayn, waxa ay ugu dambaynta sababtaa in qofka loo arko in aanu muddo dheer shaqada ku sii jiri karin, waxa aanay caqabad ku noqotaa in qofku uu helo dallacsiin iyo abaalmarinaha kale ee shaqaaluhu mutaystaan.

Cuntooyinka beddela urta neefta ama dhididka: Sunnaha Islaamka ayaa diiday in qofku marka uu toon ama basal cuno tago jamaca salaadda oo dabcan ay meelaha kale ee dadku isugu imanayaanna la mid yihiin. Waxaa la ogaaday in qofka neeftiisa ama dhididkiisa oo ur aan fiicnayn lihi ay sababto nicis iyo in aanay dadku jeclaysan la kulankiisa iyo la shaqayntiisa labadaba. Ku dadaal in aanad cunin cuntooyinka beddela urta neefta ama dhididka. Ha tegin goobta shaqada illaa aad hubiso in urta neeftaada iyo dhididkaagu aanay diidmo ku abuurayn dadka kugu xeeran.

Hab-dhaqan taban: Sahamin cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey shabakadda ‘Career Builder’ ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 62 ka mid ah shaqaalaha goobta shaqada wada joogaa aanay jeclayn in la dallacsiiyo ama abaalmarinno la siiyo shaqaalaha niyadda xun, dhinaca xun wax ka eega, ama inta badan qaata go’aannada taban.

Su’aal badnaan: Su’aaluhu waxa ay muhiim u yihiin in qofku uu fahmo hawsha u taallo iyo midhaha laga rabo in shaqadiisu soo saarto. Laakiin waxaa jira dad caado ka dhigta in marka cidda ka sarraysaa ay waajibaad shaqo siiso, ay su’aalo badan ka weydiiyaan shaqada.

In su’aalo kadeedis uun ah qofka kaa sarreeya aad weydiisaa waa calaamad muujinaysa in aanad doonayn ama xiisaynayn in aad qabato shaqada cusub ee laguu diray. Iska jir su’aalaha tirada badan ee shaqada ka hor aad warsanayso, ku dadaal in aad shaqada bilowdo kaddibna su’aalaha qaar iyagu iska jawaabaan, ama waayo-aragnimada aad heshaa ay xaliso caqabadaha qaar, wixii ka maaranwaa ahna su’aalahooda u mar nidaam anshaxa maamul iyo shaqo dhowraya.

Nidaamka iyo nadaafad xumada goobta shaqada: Boqolkiiba 36 dadka madaxda ka ah goobaha shaqada waxaa dhibaato iyo cadho joogto ah ku haya shaqaalaha goobtooda shaqo ay ka muuqato nidaamdarrada iyo nadaafad xumadu, waxa aanay marar badan ku kalliftaa in ay shaqaalahaas sababtaas oo keliya u eryaan ama ugu yaraan uga hor istaagaan dallacsiinta iyo abaalmarinaha shaqaalaha la siiyo.

Jooge maqan: Qofka shaqaalaha ah waxaa ceeb ku ah in waqtiyada shirarka ay maskaxdiisu maahsanaato ama meel kale ka fikirto. Waxaa dhibaato ah in uu ku mashquulo taleefankiisa gacanta, sida in uu farriimo ka diro ama internet ka galo. Waxa ay abuurtaa dareen taban oo laga qaato daacadnimadiisa shaqo.

Waa ixtiraam darro aad u muujinayso maamulka, shaqaalaha iyo guud ahaan dadka shirka kuugula jira.

Warka ha ka dhexgelin dadka: Qof kastaa waxa uu jecelyahay in uu hadalkiisa dhammaysto si uu ugu qanco in dadka uu la hadlayaa ay fahmaan ujeedadiisa. Haddii hadalka laga dhexgalana waxa uu qaataa dareen ah in aan la ixtiraamin aragtidiisa iyo in aan la fahmin waxa uu u jeedo.

Ku dadaal in qofka aanad qofka ka dhexgelin waqtiga loo siiyey in uu hadlo, sida oo kale iska jir in waqti ka badan inta lagu siiyey aad ku qaadato hadalka.

Dhakhtar kulli: Dadku waa ay ku kala duwan yihiin, aqoonta, waayoaragnimada, fahamka iyo waxbarashada, maskax kasta inta ku jirta dhammaystirkeedu maskaxda qofka kale ayaa ay ku jirtaa. Dadka qaar ayaa qaba cabsi nafsadeed oo ah in haddii ay wax ka mid ah shaqada garan waayaan ama hore u fahmi waayaan ay taasi calaamad u tahay in aanay u qalmin xilka iyo heerka ay shaqada ka joogaan, si ay taas isaga ilaaliyaanna waxa aad arkaysaa iyaga oo hadalka ka boobaya ruux kasta oo damca in uu wax fahamsiiyo, ama arrin kasta oo la soo qaado qeex iyo sharraxaad ku daya.

Ceeb ma’aha in aad wax garan weydo ama wax cusub barataa, waxa se ceeb ah in aad wax kasta aqoon iyo waayo-aragnimo u sheegato.

Waxbaro, waayo-aragnimo ka korodhso dadka kugu xeeran, xitaa haddii ay shaqada aad kaaga hooseeyaan inta ay qabtaan aqoonteeda ayaa ay leeyihiin. Marar badanna fursad sii in wax laguu sharraxo, xitaa haddii aad faham ka haysato.

Faan: Waa dhab in marar badan maamulaha shaqadu u baahan yahay in uu ku faano halka ay shaqadu marayso iyo horumarka ay samaysay, waana arrin in shaqaalaha lagu wargeliyaa ay tahay xiise gelin iyo in ay dareemaan in rajada shaqadu sii fiicnaatay. Laakiin guusha qof keliyi malaha ee shaqaalahaaga ku faan, tus in faankaagu uu iyaga yahay, iyaguna ay yihiin cidda ay tahay in ay ku faanaan shaqada ay qabteen.

Waxa se ceeb ah in maamulaha shaqadu uu shaqaalaha ugu faano guulo uu gaadhay isaga oo u dhigaya in aanay shaqadu u baahnayn shaqaalaha. Faanka maamuluhu waxa uu dilaa dadaalka shaqaalaha. Wararka shirkadda ee aad shaqaalaha u gudbinayso haddii aanad si feejigan u dejisan waxa ay marar badan noqdaan faan niyadjebiya shaqaalaha.

Xafiisku ma’aha rug la is-qurxineed: Waa waajib in xafiiska iyo goobta shaqada lala yimaaddo qurux, labbiska iyo jidhkaba ka muuqata, nadaafadduna waa ay ugu horreysaa. Laakiin taasi ma ogolaanayso in xafiiska iyo goobta shaqada laftigeeda aynu ka dhiganno goob la isku qurxiyo, kiriimo, muraayad, bootarro iyo walxaha jidka lagu qurxiyo ha dhigan xafiiska ama ugu yaraan yaan lagu arkin.

Haddiiba ay xaaladaha qaar kugu kallifaan in aad is qurxiso u kac xamaamka oo isku soo qurxi, adiga oo qarsanaya dhammaan walxaha aad isticmaashay.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa ceeb ah in qofku marka uu shaqada tegeyo uu qurux badnaan waayo, muuq ahaan iyo jidh ahaan. Nadaafadina ka muuqan weydo. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here