“Madaxweynaha Iyo Xisbigiisa Kulmiye Ma Rabaan Inay Doorasho Dalka Ka Dhacdo”

0
651

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Xisbiga Kulmiye aanay diyaar u ahayn inay Doorasho dalka ka dhacdo, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in kolba dib u dhac ku yimaado Dooy rashada Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “In heshiis dhexmaro Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye ee Mucaaradka, waxaa sababay markii la is mari waayey oo xitaa Wadamada Somaliland ka caawiya Doorashooyinka ay soo kala dhex galaan, kuwaas oo la kulmay Madaxda Xisbiyada, kadidna Madaxweynaha la kulmay, waxaanu Madaxweynuhu yidhi haddii ay Golaha Wakiiladu diidiin sagaalka xubnood ee Komishanka maxaa la yeelayaa, ilmaha yare e caqliga lihina uu garanaya ujeedada uu Madaxweynuhu ka leeyahay hadalkaas, maxaa yeelay Madaxweynuhu isaga ayaa la hadlaya Barlamaanka oo odhanaya arintaas ha u codeeynina, Barlamaankana waxaa u badan Kulmiye, markaas codsiga Madaxweynahana ma diidi karaan, XIsbigana Waddani-na caqli buu leeyahay, oo uu ogaa, balse wuxuu diidana hadalka bilaa macnaha ah, Madaxweynaha iyo Xisbigiisa kulmiye ma rabaan inay doorasho dalka ka dhacdo, Golahayaga u badan Xisbiga Kulmiye ayuu malaa Madaxweynuhu ka baqayaa inuu waayo aqbaliyada, haddii ay dalka Doorasho ka dhacdo, Wasiirkan hadlayna waxaan leeyahay Wasiiradda, Madaxweynaha iyo qarankaba wax ha u dhiman, oo ha iska hadlin”.

Mar uu ka hadlaayey 15 sanno ee Golaha joogeen ayaa yidhi “Waa nasiib daro doorashadayadu inay kolba dib u dhacdo, 15-sannana waanu joognay, kuraastana aanu ku fadhinana dhaxal kumaanu helin, ee in Doorasho Barlamaan dalka ka dhacdo ayey ahayd, laakiin dariiqii ay ku dhici lahayd ilaa hadda lama hayo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here