Buskudka Caanka Ah Ee Oreo Oo La Caddeeyey In Ay Ku Jiraan Maaddooyin Shareecada Islaamku Xaaraan Ka Dhigtay

0
529

Washington (Geeska)- Buskudka Oreo oo caan ka ah dunida ayaa muddo tobannaan sano ah oo uu suuq fiican ku lahaa dunida muslimka kaddib waxaa hadda soo baxaysa in maaddooyinka laga sameeyo, gaar ahaan kareemka cad ee dhexda ugu jira ay ku jiraan maaddooyin shareecada Islaamku ay muslimiinta u diidday.

Farriin ay shirkadda buskudkan soo saartaa ku baahisay barteeda Twitter ka iyada oo ka jawaabaysa su’aal la xidhiidha xalaalnimada buskudkeeda ayaa waxa ay 11kii bishan May 2019 ka ku tidhi, “Oreo Xalaal ma’aha .. waa aad ku mahadsantahay su’aashaada”

Buskudka Oreo waxa uu markii ugu horreysay soo baxay boqol iyo toddobada sano ka hor oo ahayd sannadkii 1912 kii, sida ku cad diiwaannada wax soo saarka shirkaddana tan iyo muddadaas uu jiray waxaa laga iibsaday in ka badan 500 oo bilyan oo xabbo, meelaha uu suuqa fiican ku haystayna waxaa ka mid ahaa dunida muslimka oo hadda ku soo naxday farriinta sheegaysa in samayska buskudkani aanu waafaqsanayn shareecada Islaamka.

Farrinta shirkadda ayaa ay tobannaan kun oo dad muslimiin ah u badani su’aalo tiro badan ku soo celiyeen shirkadda, iyaga oo doonaya in ay ogaadaan sababta uu xaaraan u yahay, tusaale ahaan in dufanka doofaarka lagu daray, iwm.

Si kastaba ha ahaato ee shirkadda ayaa muddo kaddib boggeeda Twitter ka ka tirtiray farriintan, iyada oo sheegay in farriinta bogga lagu qoray iyo faahfaahinteeda laga helayo bogga rasmiga ah ee shirkadda oo ka jirta dalalka Kanada iyo Maraykanka.

Bogga rasmiga ah ee shirkadda ayaa ay dad badan oo arrintan danaynayey su’aal al xidhiidha xalaalnimada buskudkan ka weydiiyeen masuuliyiinta oo sheegay in buskudka Oreo uu ka samaysan yahay maaddooyin ay ka mid yihiin Caano, Gelatine, Soya iyo maaddooyin kale, laakiin mar kale oo lagu celiyey su’aashii hore oo ah, “Oreo xalaal ma yahay” shirkaddu waxa ay ku jawaabtay, “Maya”.

Sida la ogyahay dufanka Gelatin waa miidka dufan laga soo dheegto xoolaha iyo dhirta labadadba, sidaa awgeed Gelatin sideeda xaaraan ama xalaal umaha ah ee hadba waxa ay ku xidhan tahay halka ay ka soo jeeddo. Buskudka Oreo waxaa ku jirta maadadda Gelatin, dad badan ayaana u tixgelin jiray in, maadaddan ku jirta ee Gelatin laga soo qaaday dhirta, sidaas awgeedna u cuni jiray.

Waxa kale oo iyaduna soo baxaysa in buskudkan Oreo uu ku jiro xaddi aad u yar oo maandooriye ahi, laakiin waxa ay shirkaddu ku andacoonaysaa in badankiisu uu uumi baxo marka la kululeeyo buskudka xilliga uu marxaladaha samayska marayo.

Si kasta ha ahaato ee shirkadda oo mar kale lagu celiyey in buskudkeeda lagu iibiyo dalka Imaaraadku xalaal yahay waxa ay ku jawaabtay in buskudka ay Imaaraadka Carabta u soo iibgeysaa uu xalaal yahay, waxa aanay ku dooday in buskudka Oreo ee xaaraanta ahi uu yahay kan ay ugu talagashay dalalka Maraykanka iyo Kanada, iyada oo itnaas ku dartay in wax soo saarkeeda ay u kala du’do sida ay u kala duwan yihiin dalalka loo iibgeynayaa.

Mar kale ayaa ay shirkaddu boggeeda ku faafisay farriin ay ku sheegayso in wax soo saarkeeda oo dhami uu xalaal yahay, lana waafajiyey hadba dalka iyo deegaanka suuqa loogu talagalay uu ku yaallo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.