Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Wejigii Labaad Ee Mashaariic Laga Fuliyay Berbera

0
595

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu Axadii doraad socdaal ku tagay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaasi oo uu xadhiga kaga jaray Dhismeyaal, Wadooyin iyo Stadium weyn oo D/Hoose ka hirgelisay magaallo xeebeedda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu shalay xadhiga ka jaray wejigii labaad ee mashaariic laga fuliyay magaalada Berbera kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Dhismeyaal cusub oo loo dhisay waaxda cashuuraha berriga ee magaaladda Berbera, dhisme waaxda kastamka wasaarada Maaliyaddu ay Madaarka Berbera ka dhistay iyo xarun cusub oo Wasaarada waxbarashada gobolka Saaxil loo dhisay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay mashaariicda laga fuliyay gobolka Saaxil, waxaanu u soo jeediyay masuuliyiinta xarumahan cusub inay dhismeyaashani sii dardar geliyaan adeegii ay bulshada u hayeen.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu booqday dugsiga sare ee Bursade ee magaallada Berbera, kaasi oo ardaydiisu sanadkan imtixaankii shahaadiga ahaa ka galeen kaalmaha hore ka dib markii 17 arday oo dugsigaasi ka tirsani ay markii u horeysay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay gaadheen darajada (A).
Madaxweynuhu waxa uu ku hambalyeeyay maamulka iyo ardayda dugsigaasi juhdigoodii ku wajahnaa kaalmihii ay ka galeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee sanad dugsiyadeedka 2012-2013-ka.